6 Arrimood oo ay Dowladda Jabuuti sheegtay inay ku heysato duuliye Fu'aad Yusuf Cali

0
Saturday June 13, 2020 - 11:30:07 in by salman abdi
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    6 Arrimood oo ay Dowladda Jabuuti sheegtay inay ku heysato duuliye Fu'aad Yusuf Cali

    6 Arrimood oo ay Dowladda Jabuuti sheegtay inay ku heysato duuliye Fu'aad Yusuf Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

6 Arrimood oo ay Dowladda Jabuuti sheegtay inay ku heysato duuliye Fu'aad Yusuf Cali

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay looga hadlay arrinta maalmihii lasoo dhaafay socotay ee ku saabsan xariga nin duuliye hore ah oo lagu magacaabo Fu'aad Yusuf Cali.

Waxay xukuumadda Jabuuti been abuur ku tilmaantay wararka laga soo tabiyay xaaladda duuliya.

"Maalmo badan waxaa la faafinayay sheekooyin salka ku haya mucaaradka oo ku saabsan eedeymo aan run ahayn iyo ku tiri ku teen aan xaqiiq ku dhisneyn oo ku saabsan xariga Fu'aad Yuusuf Cali oo la dhigay xabsiga Gaboode. Jamhuuriyadda Jabuuti waxay gaashaanka ku dhufaneysaa wararkan la isla dhex marayo oo ay daabaceen warbaahin ay ka mid yihiin kuwa dibadda," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lagu sharraxay lix arrimood oo dowladda Jabuuti ay ku eedeysay Fu'aad, ayna ku sheegtay sababta uu u xiran yahay.

6-da qodob ayaa kala ah sida hoos ku xusan:-

  • Inuu isku dayay inuu diyaarad xado
  • Inuu diyaaraddaas burburiyay
  • Inuu xiriir joogto ah la lahaa awood ajnabi ah, oo ah waddan lagu magacaabo Eretariya
  • Inuu shaaciyay farriin qalalaase abauureysa
  • Inuu khatar galiyay difaaca qaranka, oo uu milatariga ku boorriyay inay amardiiddo sameeyaan
  • Inuu si shaac baxsan meel ka dhac ugu sameeyay milatariga

Waa markii ugu horreysay ee ay dowladda Jabuuti ka hadasho arrimaha duuliyaha.

Dhanka kale, Qareenka u doodaya duuliye Fu'aad Yuusuf Cali ayaa sheegay in lagu tuntay xuquuqda dastuuriga ah ee Fu'aad.

Garyaqaan Zakariye Cabdullaahi oo la hadlay BBC wuxuu sheegay inuu sidoo kale qoonsaday wareysi "macmiilkiisa ay warbaahinta RTD kula yeelatay xabsiga taasina ay tahay sharci darro."

"Ninkaa sharci darrada ku xiran ayaa si sharci darra ah telefishiinka ay dowladdu leedahay uga yirahdeen waxa ay doonaan, ama hadallada ay u dul dhigeen," ayuu yiri.

Hadalka garyaqaan Zakariye Cabdullaahi ayaa yimid ka dib markii Telefishiinka Qaranka Jabuuti ee RTD, laga baahiyay muuqaal muujinaya xubno ka socda guddiga xaquuqul Insaanka dalkaasi oo xabsiga ku booqday isla markaana wareysanaya duuliye Fu'aad Yuusuf Cali.

Muqaalkaas ayuu Fu'aad ku sheegay in xabsiga aanan wax dhibaato ah loogu geysan, hadalkaa oo ka duwan muuqaal uu horey u soo duubay oo uu ku sheegay in "suuli lagu xiray lana jirdilay."

Duuliyaha wuxuu ka tirsanaa ciidammada cirka ee dalka Jabuuti kaas oo muddo isbuucyo ah ku xiran dalkaas.

Fu'aad wareysiga RTD ay la yeelatay muxuu ka sheegay?

Duuliye Fu'aad oo xabsiga ay ku dhex wareysteen TV-ga RTD iyo hay'adda Xuquuqda aadanaha ee jabuutiLahaanshaha sawirkaRTD JABUUTI
Image captionDuuliye Fu'aad oo xabsiga ay ku dhex wareysteen TV-ga RTD iyo hay'adda Xuquuqda aadanaha ee jabuuti

Duuliye Fu'aad Yuusuf Cali oo ku xiran xabsi ku yaallada magaalada Jabuuti waxaa xabsiga ku booqday koox la sheegay iney ka socdaan xuquuqal insaanka Jabuuti, sidoo kalana waxaa maxbuuska wareysi la yeeshay warbaahinta afka dowladda Jabuuti ku hadasha ee RTD.

"Xabsiga marka la i geeyey go' yar ayaa la i siiyey intaan xabsiga ku jirayna lugaha ayaa i googo'ay, waadna arki kareysaan waxaan u baahanahay dhakhtar maqaar oo jirkeyga eega, la ilama hadlin, reerkeyga inaan la hadlo la iima ooggoleyn oo aan irahdo Gabood baan ku jiraa oo dadkeyga waa i doondoonayaan, taleefan waa la ii diiday", ayuu ku yiri muuqaalka.

"Waxaan leeyahay nabarro ka dhashay xasaasiyad. Hadda ka hor wey igu dhaceen oo waan ka bogsaday laakiin hadda markaan halkaan soo galay ayey igu soo noqdeen, maamulka xabsiga waan u sheegay oo waxaan ku idhi waxaan u baahanahay dhakhtar... war ilaahey ka baqo oo dhakhtar ii dira ayaan ku dhahay."

"Laba dhakhtar baa shalay ii yimid; xaaladdeyda oo dhan bey baadheen waxay igu yirahdeen waa in laguu diraa baaritaan dheeraad ah," ayuu yiri.

"Reerkeyga maysan ii imaan jirin laakiin shalay iyo darraad wey ii yimaaddeen waa la ii oggolaaday, wax jirdil iyo wax dhibaato ah oo la ii geystay malahan, raggu iney ii soo galaane daaye iney ila hadlaan looma oggoleyn intaan xabsiga ku jira ilama hadleynba," ayuu yiri Duuliye Fu'aad Yuusuf Cali oo u warramay RTD.

Xabsiga uu ku jiro Duuliya Fuaad Yuusuf CaliLahaanshaha sawirkaRTD

Taariikhda Duuliya Fu'aad Yuusuf oo kooban

Fu'aad wuxuu Bishii October ee 1983-dii ku dhashay Magaalada Jabuuti, gaar ahaan xaafadda Xayaabley, halkaas oo uu ku korey. Wuxuu wax ka bartay jaamacadda jibuuti.

Duuliyahan u xiran dowladda Jabuuti wuxuu dhalay toddobo carruur ah oo kala ah shan will iyo laba gabdhood.

  • Ciidammada wuxuu ku biiray 2006, waxaana loo diray dalka Morocco oo uu ku soo qaatay tababarka Duuliye. Afar sano ayuu halkaas ku maqnaa.
  • 2010 wuxuu shaqo ka billaabay xerada ciidammada cirka Jabuuti, waxaana la siiyay xiddig.
  • 2014 waxaa loo diray koonfur Afrika si uu usoo qaato tababar dheeraad oo duuliyanimada. Laba sano ayuu ku maqnaa
  • 2019 ayaa laba xidigle laga dhigay
  • Bishii March 27, ee sannadkan ayuu dhinaca itoobiya u goostay
  • Magangalyo ayuu bishii April weydiistay Itoobiya
  • 15 April Itoobiya waxay ku soo wareejisay Jibuuti

 
Xeer ilaaliyaha Jabuuti oo ka hadlay waxa lagu haysto duuliye Fu’aad

Xaaskiisa oo xogtaas oo dhan u xaqiijisay BBC News Somali ayaa sheegtay in ay "aaminsanahay in sirdoonka itoobiya ay ku wareejiyeen" dowladda Jabuuti.

"Ubadkiisa ayuu u waaya wax uu siiya. Cadaadis ayaa la saaray, markuu hadlayna mushaarkii ayaa laga jaray. Muddo afar bilood ah ayaan mushaar lama siinin," ayay hadalka sii raacisay.

"Wuxuu ahaa nin shaqo jecel. 4:00 ta subaxnimo ayuu kici jiray, wuxuuna ka sheegtay caddaalad darro ka jirta ciidammada dhexdooda", ayay BBC Somali u sheegtay xaaskiisa.

Waxay tilmaamtay in xabsiga Gabood masuuliyiin ka tirsan ay bishii May soo waceen: "Waxay naga dalbadeen inaan cuntada u keenaa".

Qoyskiisa waxay sheegayaan in weli aan maxkamad la horgeyn, sidoo kalena aan loo ogolaan in ay la kulmaan.