Guddida heer qaran ee Covid19 Ayaa Maanta La Wareegtay Lacag Dhan $700.000 oo Doollar.

0
Saturday June 13, 2020 - 12:03:10 in by salman abdi
  • Visits: 396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida heer qaran ee Covid19 Ayaa Maanta La Wareegtay Lacag Dhan $700.000 oo Doollar.

    Guddida heer qaran ee Covid19 Ayaa Maanta La Wareegtay Lacag Dhan $700.000 oo Doollar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida heer qaran ee Covid19 Ayaa Maanta La Wareegtay Lacag Dhan $700.000 oo Doollar.

Gudoomiyaha Guddida Covid19 ahna Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane, Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Xafiiskiisa ku gudoomay qaadhaan lacageed oo dhan $700.000 (Todoba boqol oo kun oo doolar) Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo wakiil ka ahaa Ganacsade Maxamed Siciid Ducaale oo isaguna Wakiil ka ahaa Sheekh Hamad Sabah Al-Ahmed Al-Jaber Al-Sabah oo kamida Boqortooyada Kuwayt isalmarkaana degan Gobolka Saaxil.

Sheekh Hamad Sabah Al-Ahmed Al-Jaber Al-Sabah ayaa guud ahaan Somaliland oo gaadhsiiyey 1,000,000, (Hal milyan oo doolar) waxaana 300.000 oo lacagtaasi kamida saaka Xafiiska Dahabshiil ee Berberi uu ku wareejiyey.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Gudoomiyaha Guddida heer qaran ee Covid19 oo lacagtaasi gudoomay ayaa ugu horaynba waxa uu mahad naq usoo jeediyey Sheekh Hamad Sabah Al-Ahmed Al-Jaber Al-Sabah oo uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay inuu yahay shakhsi ku qaaliya dadka reer Somaliland isla mar ahaantaana Somaliland deegaan ahaan ka dega Gobolka Saaxil, lacagtaasna uu usoo wakiishay Shirkada Dahabshiil inay gaadhsiiso Xukuumada Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ballan qaaday inay lacagtaasi gaadhi doonto dadkii loogu talo galay iyadoo la samyn doono wajigii labaad ee Raashin qeybinta Degmooyinka Dalka.