Dowladda Soomaaliya "Laba sano ayaan u aqoonsanay Axmed Madoobe, Madaxweynaha KMG ah ee Jubaland "

0
Sunday June 14, 2020 - 14:05:29 in by salman abdi
  • Visits: 668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya "Laba sano ayaan u aqoonsanay Axmed Madoobe, Madaxweynaha KMG ah ee Jubaland "

    Dowladda Soomaaliya "Laba sano ayaan u aqoonsanay Axmed Madoobe, Madaxweynaha KMG ah ee Jubaland "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya "Laba sano ayaan u aqoonsanay Axmed Madoobe, Madaxweynaha KMG ah ee Jubaland "
 War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Facebook-ga uu ku leeyahay xafiiska warbaahinta ee Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay muddo  labo sano ah u aqoonsatahay Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe" madaxweynaha Kumeel gaarka ah ee Jubaland.

 
Warkaan ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli aaminsantahay doorashadii ka dhacday Kismaayo ee uu Axmed Madoobe kusoo baxay in ay khilaafsaneyd dastuurka Jubaland iyo kan dowladda dhexe.

Sidoo kale waxaa warkaan uu Axmed Madoobe ugu baaqayaa inuu dhigo gogol nabadeed oo dhammaan ay isku saamaxayaan beelaha Jubaland wada dega.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay aad uga xuntahay fara-gelin ay sheegtay in doorashadaasi ay ku sameysay Kenya,  iyadoo kaga faa'iseysaneyso arrimaha labada dala u dhexeeya "Soomaaliya iyo Kenya", gaar ahaan arrimaha badda ee horyaalla maxkamadda ICJ.

Warkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada sano ee Axmed Madoobe dowladda Soomaaliya u aqoonsatay Madaxweynaha KMG ah ay ka billaabaneyso xilligii uu ku ekaa mudda xileedkiisii hore.