Waa Ku Wee Kooxaha Todobaadkan U Soo Bixi Kara Wareega 16ka Champions League?

0
Sunday November 02, 2014 - 18:45:21 in by Burco Office
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Ku Wee Kooxaha Todobaadkan U Soo Bixi Kara Wareega 16ka Champions League?

    Waxaa jira lix kooxood oo fursad u leh inay xaqiijistaan booskooda wareega 16ka Champions League isbuucaan, waxaan idiin soo gudbineynaa kooxaha ay yihiin sida ay ku gaadhi karaan. Waxaan kaliya galeynaa kulamadii afaraad ee wareega Champions Lea

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa jira lix kooxood oo fursad u leh inay xaqiijistaan booskooda wareega 16ka Champions League isbuucaan, waxaan idiin soo gudbineynaa kooxaha ay yihiin sida ay ku gaadhi karaan. Waxaan kaliya galeynaa kulamadii afaraad ee wareega Champions League ee xilli ciyaareedkan laakiin lixkoodood ayaa fursad u heysta inay iska sii xaadiriyaan booska wareega 16ka Champions League.

Waa Ku Wee  Kooxaha Todobaadkan U Soo  Bixi Kara Wareega 16ka16ka Champions League?



Kooxda difaacaneysa koobkaan ee Real Madrid ayaa ka mid ah kooxahaas kuwaasoo xaqiijisan kara booskooda 16ka ee Champions League.

Kooxda Carlo Ancelotti ayaa soo wada badisay dhamaan seddexdii kulan ee ay ilaa iyo haatan ciyaareen Group B, haddii ay guul garoonka Bernabeu talaadada ka garaan Liverpool waxa ay u xaqiijineysaa inay u soo baxeen wareega 16ka iyadoo labo kulan ay uga harsanaaneyso wareega group-yada.


Borussia Dortmund oo dhib uu ku heysto horyaalka Bundesliga ayaa iyagana si wacan uga dhex muuqda Champions League, guul ay ka gaaraan kulanka Galatasaray waxa ay ka dhignaan doonaa inay ka soo baxaan Grpup D. Xitaa barbaro ay galaan waa ay ku soo bixi karaan kaliya waxaa ka horjoogsan karta in Anderlecht ay ka badiso Arsenal.

Kooxda ay Dortmund ku xafiiltamaan Jarmalka ee Bayern Munich ayaa iyagana nasiibkooda uu ku xiran yahay gacmahooda. Guul ay ka gaaraan Roma waxa ay u xaqiijin doontaa inay ka soo baxaan Group E xitaa barbaro waa ay ku soo baxaan taasoo siin karta kooxda Guardiola inay nasasiistaan xiddigahooda muhimka ah labada kulan kale ee u hari doona.


Paris Saint-Germain ayaa iyadana fursad u heysata inay u soo baxdo wareega 16ka. Guul ay ka gaaraan APOEL ayaa geyn doonta wareega 16ka laakiin waa inay Barcelona ka fogaato inay guuldarro ka soo gaarto Ajax kulanka kale ee Group F.

Jose Mourinho ayaa isna ku hogaamin doona Chelsea wareega 16ka haddii ay ka badiyaan kooxda Maribor islamarkaana Schalke aysan guuldarro ka soo gaarin Sporting.

Seddex dhibcood oo ay Porto ka qaataan Athletic Bilbao ayaa ugu filnaan doonta kooxda reer Portugal inay ka soo baxdo Group H, laakiin waa in Shakhtar Donestk axsaan u sameyso oo ay garaacdo BATE.

contact@afkashacabka.com