Halkan Ka Akhriso Doodii Marwo Edna Iyo danjire Yamamoto

0
Wednesday June 17, 2020 - 09:49:41 in by salman abdi
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan Ka Akhriso Doodii Marwo Edna Iyo danjire Yamamoto

    Halkan Ka Akhriso Doodii Marwo Edna Iyo danjire Yamamoto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkan Ka Akhriso Doodii Marwo Edna Iyo danjire Yamamoto

Mudane Donald Y. Yamamoto, Waxaan ahey Siyaasi aqoon sare u leh, arimaha diplomasiyadda addunka. Dalkaad ka timi waxaan booqdey anigoo la socdda xaajigeygii hore oo ahaa. Raisal wasaraha jamhuuriyadii dimuqradda Somalia 1968.

Sidaas darteed shirkan naguma qacin kartid shaqaddadda diplomasiyadeed Sidaad jeceshahey. Waanunse kugu ixtiraameyna shaqadaadda. Sidaas darteed marxaladda aad ku dhex jirta waa mid taariikh leh oo ku suntan taariikhdda soo jireenka ah, taaso ku saabsan xaduudaha Africa ee 1960 ee dowladahii Africa oo dhami ku dhaqmaan.

Ma dafiri kartid Taariihda Somaliland British Protectorate 26-June 1960 oo ka qaadatey xornimadeedda Boqortoyadda Ingiriiska.
Hadaba waxaanu rabnaa in aan wadda hadalka waddno anagoon marnba ka baxin. Heshiisyadii Xukumadii ka talinayay Villa Somaliya, Marka laga soo bilaabo 2012.


Waxaanu ixtiraameyna siyaasadda dowladda mareykan ee hirgalinta horumarka iyo nabad galyadda cidhifka Africa. Waanu uga mahad naqeyna Dowladda Djabuti gogosha ey dhigtey iyo ka soo qeyb-galka Dowladda Ethiopia.

Waxaanuse jecelnahey inaad dhageysaataan garnaqsiyada shacabka Somaliland. Maha mid la dafiri karo waxaanu qabsaney iyo dimuqradiyadda aanu dhisaney. Maaha in la cabudhin karo dareenka iyo dadnimadda dadka Somaliland ee dareemay wax walba oo lagu gaadhayo nabad galyo iyo barwaaqo sooran ka hirgala cidhifka Africa ( Horn of Africa)

ujeedda aanu unimi shirkan waxa weeye in aanu idinla wadaagno dareenka shacabka Somaliland ee dib ula soo noqoshadda dowladnimadooda ey ku darsadeen jamhuuriyaddi Soomalidda 1-july-1960. Taaso ey ku hungoobeen.


Tusaale ahaan, sidda loogu tuntey wax wadda lahaanshaha dowladdnimadda iyo dimurqadiyadii aanu rabney in ey Jamhuuriyadaasi ku caano maasho mustaqbalka fog. Raisal-wasarahii M I Egal waxu ku muteystey aragtidiisa siyaasadeed xabsi dheer.

Waxana ka dhacey inqilaaab. Taariihdda inta la ogyahey waxa ku dhintey xukunkii kacaan dadk ka badan 100,000 qof oo Samaaliya.

Anigoo oo aha xaaskina waxan kumusteystey xadugudubyo ku saabsan xoriyadda muwadinta. 60,000 qof oo shacab ah aayaa lagu dilley rabitaanka xoriyadooda. Taaso diyaaraddo lagu garaacey, iyadoo lagu soo kirayey lacagtii lagaga qaadey cashuurtoodda. Maaha wax dhayal lagu ilaabi karo, Mudane Ambasador.

Maaha waxa lagu gali karto tartan doorasho dadkaas la kulankooddu. Hogaamiyaha Villa Somalia waa inan dhalinyaro ah oo dafirsan xaqiiqdda taala Somaliland. Ma nihin shacab iyaga iyo aduunka loo kala shekeysan karo.

Waanu garnaqsaneynaa ee isku kaayo dhageysta. Ma nihin dad aan sheegan karin waxa ey ku doodayaan ama ku doonayaan dowladnimadooda ey kalgacalka walaltinimadda Soomaalinimaddu ku jirto xamar ku geeyeen.

Waxaas oo dhan oo aan laga wadda hadlin ku iman meyso qorshaha aad jeceshihiin. Sidaas darteed waxaan jeclahey in wadda hadalku socdo. Si aad u fahamtaan xaaladda iyo qadiyadda labaddan waddan soo dhex martey.

mar walba waxaanu diyaar u nahey wadda hadal dhaxalgala oo ey fulaan wax walba oo lagu heshiiyo. Waxaanu ku balan qaadeyna waxwalba oo shirarka socda ka soo baxa in aanu fulino geestayadda.

Waxaanse ka rabaa, Mr Ambassador inaad ka keento xukumadda Villa Soomaliya iney fulineyso. Taaso galidoonta (document archieve).

Maha in aanu iska soo dhoofney una xiisa qabno shirarka noocan ah, balse waxaanu rabnaa iney hirgalaan waxwalba oo lagu wadda hadlo. Iyadoo laga duulayo in la helo xasilooni siyasadeed oo waarta. Taaso noqon karta in la noqdo laba dal oo walaalo ah.

Sheeko gaaban oo dhex martey
Marwo Adan iyo Ambassador Yomomoto.
Markaan adna aqaan intaas inkayar odhan meyso

Qalinka. Ambassador Diinaari

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari