Man City Oo Dib Ugu Soo Laabatay Tubta Guusha, Xili Ay Markii Afaad Oo Isku Xiga Garaacday Kooxda Ay Jaarka Yihiin Ee Man United + Daawo sawirada

0
Sunday November 02, 2014 - 19:01:43 in by Burco Office
  • Visits: 1440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man City Oo Dib Ugu Soo Laabatay Tubta Guusha, Xili Ay Markii Afaad Oo Isku Xiga Garaacday Kooxda Ay Jaarka Yihiin Ee Man United + Daawo sawirada

    Kooxda Manchester city ayaa guul muhiim ah gurigeeda Etihad Stadim kaga gaadhay kooxda Man United, City ayaa guul 1:0 ah ku gaadhay Manchester derbi iyadoo goolka kaliya uga mahad celinaysa Sergio Aguero. Smalling ayaa ciyaarta laga saaray halka Marc

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Manchester city ayaa guul muhiim ah gurigeeda Etihad Stadim kaga gaadhay kooxda Man United, City ayaa guul 1:0 ah ku gaadhay Manchester derbi iyadoo goolka kaliya uga mahad celinaysa Sergio Aguero. Smalling ayaa ciyaarta laga saaray halka Marcos Rojo dhaawac ciyaarta looga dhex qaaday.



City22

Kooxda Manchester city ayaa guul muhiim ah gurigeeda Etihad Stadim kaga gaadhay kooxda Man United, City ayaa guul 1:0 ah ku gaadhay Manchester derbi iyadoo goolka kaliya uga mahad celinaysa Sergio Aguero. Smalling ayaa ciyaarta laga saaray halka Marcos Rojo dhaawac ciyaarta looga dhex qaaday.

Man City ayaa gurigeeda Etihad Stadium ku soo dhawaysay kooxda ay jaarka yihiin ee Man United, waxayna Man city kulanka ka hor ku hamiyaysay inay kulankan Manchester derbi iskaga maydho labadii guuldaro ee ka soo gaadhay West Ham iyo Newcastle United.

Manchester City ayaa ciyaarta ku bilaabatay dardar xoogleh, waxayna halis joogto ah ku abuuraysay difaaca United iyo goolhaye De Gea. Inkasta oo ay qaybtii hore ee ciyaartu ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah ayuu haddana De Gea kooxdiisa United ka badbaadiyay fursado uu abuuray Aguero oo goolal loo filan karay

.Aguero

 

Markii ay ciyaartu maraysay daqiiqdii 39 ayuu xaalku ku xumaaday Man United kadib markiiChris Smalling uu ciyaartu intii ay socotay qaatay kaadhka labaad ee digniinta ah sidaana ciyaarta ayaa lagaga saaray. Smallinag ayaa markii hore qalad doqoniimo ah ku galay Joe Hart oo kubbada tuurayay sidaana waxaa lagu siiyay kaadhkii hore ee digniinta ahaa.hart2

Smalling ayaa qaladka danbe ku galay Milner oo kubbada la soo dhexgalayay xerada ganaax United, balse marka uu qaladka galayba wuxuu iska sii garanayay inuu ciyaarta ka baxaayo

.Smalling

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Man city ku doodaysay in laba jeer laga diiday wax u muuqday inay rekoodhe tahay balse garsooraha ciyaarta ayaa labada jeerba iska diiday inuu qaato go’aan ay Man city xili hore hogaanka ku qaban lahayd.Rekoodhaha hore ee ay City ku doodaysay ayuu Fellaini u muuqday inuu xerada ganaaxa ku taabtay Aguero.City

Halka rekoodhaha labaad ee ay Man City ku eedaynaysay inuu garsooruhu ka diiday uu yimid dhamaadkii qaybtii hore, markaas oo Rojo uu isna u muuqday inuu qalad ku galay Yaya Toure oo goolka kubbad la siigalaya balse garsooraha ayaa ciyaarta dhameeyay.city2


 

Ugu danbayn qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Man City ciyaarta ku soo laabtay iyadoo dardaaran xoogleh la soo siiyay isla markaana niyada ku haysa inay ka faa’iidaysato ciyaartoyga Man United laga saaray.Markale ayay Man Unite dhibaato kale soo foodsaartay kadib markii uu daqiiqdii 56 aad garabka ka dhaawacmay Marcos Rojo oo kubbad ka difaacayay Demichelis, waxaana ciyaarta looga saaray sariirta bukaanka. waxaana booskiisa soo buuxiyay da’yarka Patrick McNair.

 

Kadib markii ay City goolka United ku qaadaysay weerar isdaba joog ah ayuu daqiiqadii 64 aad Sergio Aguero kooxdiisa Man City udhaliyay goolka ay guusha ku gaadhay. Toure ayaa kubbad qurux badan siiyayGael Clichy kaas oo isaguna kubbad halis ah goolka Man United soo hor mariyay. Aguero oo xerada ganaaxa United kubbada ku sugaayay ayaa kubbada ku qabtay goolka United, markan ayuu De Gea awoodi wayay inuu Aguero ka badbaadiyo fursada uu goolka ku dhaliyay. Natiijada ciyaarta ayaan noqay 1:0 ay Man City hogaanka kula wareegtay.

Inkasta oo ay United daqiiqadihii ugu danbeeyay doonaysay inay hal dhibic garoonka kala baxdo isal markaana ay weerar ku soo qaaday difaaca City ayayna haddana u suurto galin inay sameeyaan qaabkii ay Chelsea daqiiqadii ugu danbaysay dhibcaha kula qayb sadeen.

Ugu danbayn waa guul daradii afraad oo isku xigta taas oo United ka soo gaadha jaarkeeda Man City. Man City ayuu dhankeeda guusha ay United ka gaadhay u soo celinaysaa kalsoonida kadib labadii guul daro ee isku xigay ee ka soo kala gaadhay kooxaha West Ham Iyo new castel


contact@afshacabka.com