Maamulka Gobolka Banaadir oo 15 xubin u magacaabay agaasinka maalmaha xoriyadda

0
Friday June 19, 2020 - 13:44:56 in by salman abdi
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo 15 xubin u magacaabay agaasinka maalmaha xoriyadda

    Maamulka Gobolka Banaadir oo 15 xubin u magacaabay agaasinka maalmaha xoriyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Banaadir oo 15 xubin u magacaabay agaasinka maalmaha xoriyadda Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud "Filish” ayaa waxa uu shir guddoomiyay kulan lagu qabtay Muqdisho oo looga hadlayay arrimaha la xiriira u diyaar garowga maalmaha xoriyadda ee soo socda.

 
Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb-galay guddoomiyayaasha degmooyinka agaasimayaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha dhalinyarada Gobolka Banaadir .

Waxaa diiradda lagu saaray sida ugu muhiimsan ee loo abaabuli karo xuska 26-ka Jun iyo 1-da Luuliyo.

Ugu dembeeyn kulanka ka dhacay xarunta dhalinyarada Gobolka Banaadir ayaa waxaa la cayimay guddi gaar ah oo 15 xubin ka kooban oo agaasinka Barnaamijkaas ka shaqeyn doono.

Soomaaliya ayaa isbuucyada soo socda u dabaal-degeysa sanad guuradii 60-aad ee kasoo wareegtay markii Gobollada waqooyiga iyo koofurta ay xoriyaddoodii ka qaateen Ingiriiska iyo Talyaaniga.