Xildhibaanno gaaraya 132 mudane oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka u gudbiyay mooshin+Sababta.

0
Saturday June 20, 2020 - 18:17:28 in by salman abdi
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanno gaaraya 132 mudane oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka u gudbiyay mooshin+Sababta.

    Xildhibaanno gaaraya 132 mudane oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka u gudbiyay mooshin+Sababta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanno gaaraya 132 mudane oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka u gudbiyay mooshin+Sababta. Guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa loo gudbiyay mooshin ay ku saxiixanyihiin illaa 132 Xildhibaan , kaas oo la doonayo in lagu xaqiijiyo qoondada dumarka iyo kuraasta labada Gole ee Baarlamanka qaranka .

 

Qaar kamid ah haweenka oo hor boodaya soo-jeedintaan ayaa waxay ku doodayaan in hadda kuraasta ay ku fadhiyaan gabdhaha xildhibaannada ah , doorashada soo socota ay noqdaan kuraas keliya ay dumarka ku tartami karaan.

Xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo mooshinkaan ka dhex akhrisay Golaha Shacabka ayaa waxay sheegtay in ay doonayaan siyaasad fadhisa iyo matalaad muuqata in ay gabdhaha ku yeeshaan golaha sharci-dejinta.

Beelaha Soomaaliyeed qaar ayaa kuraasta dumarka ee kusoo aadda midba mar loo dhiibaa, laakiin haddii mooshinkaan uu hir-gelo, waxaan la ogeyn sida qaar kamid ah beelaha hadda gabdhuhu ay matalaan ay u aqbali doonaan in weligood kursigooda ay gabar oo qura ku fadhiisato.

Marka lasoo gaaro xilliyada doorashadu ay soo dhowaato waxaa Soomaaliya ka bilowda guux siysaadadeed oo la xiriiraa qoondada dumarka ay ku leeyihiin labada gole ee Baarlamanka .