Rag loo xidhay inay carruur ku gadayeen barta Instagram

0
Thursday June 25, 2020 - 10:40:45 in by salman abdi
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rag loo xidhay inay carruur ku gadayeen barta Instagram

    Rag loo xidhay inay carruur ku gadayeen barta Instagram

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag loo xidhay inay carruur ku gadayeen barta Instagram

Saddex nin ayaa lagu qabtay dalka Iiraan iyagoo looga shakiyay inay isku dayayeen inay ku iibiyaan laba cunug barta Instagram.

Taliyaha booliska magaalada Tehran, Brig-Gen Hossein Rahimi, ayaa sheegay in mid ka mid ah carruurtaasi uu jiray 20 maalmood. Halka ka kalena uu jiray laba bilood.

Dhallaankan ayaa hore loogu soo iibsaday $ 500 (£ 400), waxaana lagu sii iibin jiray inta u dhaxaysa $ 2,000 iyo $ 2,500.

Mid ka mid ah dadka la qabtay ayaa la sheegay inuu "caruurta ka keenay qoysaska saboolka ah" isagoo damacsana inuu "u gacan geliyo qoysas siin kara mustaqbal wanaagsan".

Brig-Gen Rahimi wuxuu u sheegay warbaahinta maxalliga ah in booliiska la soo ogeysiiyay "xayeysiis ku saabsan barta Instagram ee iibinta dhallaanka".

Askartu waxay ogaadeen "10 ilaa 15 bog oo caynkaas oo kale ah" halka ay sidoo kale heleen labada carruurta ah iyo saddexdi nin ee gadayayna la qabtay, ayuu yidhi. Carruurtii ayaa lagu wareejiyay waaxaha xannaanayta carruuta

Eedeysanayaashu waxay sheegteen inay ilmahan kaga soo iibsadeen qoysaska danyarta ah "lacag yar", sida uu sheegayo taliyaha guud.

Muuqaal fiidiyow ah oo ay baahiyeen wakaaladda wararka ee kooxda saxafiyiinta ee dhalinyarada, mid ka mid ah ragga ayaa yiri: "Tani waxay ka caawin laheyd dhallaanka inay helaan mustaqbal wanaagsan."

Map of Iran

Kani ma ahan kiiskii ugu horreeyay oo noociisa ah ee ay ogaadaan masuuliyiinta Iran.

Horraantii sanadkan, booliska gobolka Gorgan ayaa sheegay inay xidheen afar haween ah iyo nin la sheegay inuu raadinayay haweenay uur leh oo faqiir ah, isla markaana uu ka bixiyo qarashaadka cisbitaalka, ka dibna ka qaata carruurta marka ay umusho.

Sanadkii 2016, kuxigeenka Kuxigeenka Arimaha Qoyska iyo Haweenka Shahindokht Molaverdi ayaa walaac ka muujisay waxa ay ku sheegtay "tirada badan" ee hooyooyinka uurka leh ee iibiya ilmahooda.

Waxay sheegtay in haweenka ay ku qasbayso inay sidaas sameeyaan "arrimo badan oo kala duwan", oo ay ka mid yihiin saboolnimada, qabatinka maandooriyaha, guurka carruurta iyo guri la'aanta