Trump oo digniin looga soo jeediyey hees uu si aan sharci ahayn u adeegsaday

0
Sunday June 28, 2020 - 09:02:25 in by salman abdi
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo digniin looga soo jeediyey hees uu si aan sharci ahayn u adeegsaday

    Trump oo digniin looga soo jeediyey hees uu si aan sharci ahayn u adeegsaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump oo digniin looga soo jeediyey hees uu si aan sharci ahayn u adeegsaday

Kooxda muusikada ee Rolling Stone ayaa Madaxweyne Trump uga digay iney sharciga horgeeynayaan haddii uu heesahooda si aan sharci ahayn ugu isticmaalo ololihiisa doorashada.

Waxayna kooxdu sheegtay heesaheeda iney cidna si sharci darra ah u isticmaali Karin iyada oo aan oggolaansho laga heysan kooxda.

Warmurtiyeed ay soo saareen Garyaqaannada u dooda kooxda fanka ee 'Rolling Stone' waxay sheegeen iney ku howlan yihiin sidi ay xuquuqda sharciga ee ay kooxdu leedahay u meel marin lahaayeen.

Hay'adaha ay quseeysana ay ku wargelinayaan heesahooda si aan sharci ahayn in loo adeegsado.

Madaxweyne Trump ayaa ololahiisa toddobaadki hore ee ka dhacay Tulsa, ee gobolka Oklahoma u adeegsaday heesta ay kooxdu leedahay ee 'You can't Always Get What You Want'.

Isla heestan ayaa Trump ololahiisa doorashada u adeegsaday 2016-kii xilli ay socotay doorashada madaxweynaha ee dalka Mareykanka.

"Rolling stone ma aqbaleyso Donald Trump waxa uu wado," ayey kooxdu barteeda Twitter-ka ku soo qortay 2016-kii.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Presentational white space
 

Warmurtiyeed ay kooxdu Sabtidi shalay ahayd soo saartay ay ku sheegtay, koox mataleyso kooxda fanka iney iisu diyarinayaan sidi ay u qaadi lahaayeen "tallaabbooyin dheeraad ah" oo Mr Trump looga hor istaagayo ololahiisa doorashada mustaqbalka inuu u adeegsado dhammaan heesaha kooxda Rolling Stone ay leedahay isaga oo iska indho tiray "ishortaaggi iyo joojinti horay loo sameyey".

Hay'adda u xilsaaran dhowridda xuquuqda hal abuurka ee BMI waxay madaxweyne Trump ay ku wargelisay iyaga oo ku hadlaya magaca kooxda Rolling Stone inuu heesahooda fasax la'aan uu adeegsan Karin.

Haddii ay kooxda oo aan fasax laga haysan heesahooda la isticmaalana waxay keeneysaa in arrinta loo gudbiyo shariga si tallaabbo sharci ah loo qaado.

Bishii April, heesaa kooxda ka tirsan oo ay da'diidu tahay 76 jirka Sir Mick Jagger wuxuu soo saaray heestiisi ugu horreysay muddo siddeed sana ah.

Horraanti bishan, qoyska fannaanki geeriyooday ee kooxda ka tirsan Tom Petty waxay qoreen warqad ay ku hor istaagayaan Trump Ololahiisa inuu heesahooda uu si aan sharci ahayn uu u adeegsado gaar ahaanna ololahiisi ugu dambeeyey eek a dhacay Tulsa.

Waxayna farriintooda soo dhigeen boggooda Twitter-ka, waxay sheegeen fannaanka geeriyooday inuusan marnaba raalli ka ahayn "in heestisa loo adeegsado olole neceyb uu ka madhneyn".

Petty wuxuu geeriyooday 2017-kii isaga oo ay geeridiisu sababtay dawo xad dhaaf ah oo uu qaatay, iyada oo ay xilligaas da'diisa ahayd 66 jir.

Ololaha doorashada Mr Trump uu ku doonayo in marlabaad la soo doorto ayaa bilo soconaya isaga loollan adag uu dhex marayo musharraxa xisbiga dimuqraadoga Koe Biden doorashada bisha November dhaceyso.