Madaxweyne Ku Xigeenka Shiinaha ayaa rajo ka muujiyey Hagaajinta xiriirka ka dhexeeya Dalka Japan,

0
Sunday November 02, 2014 - 22:28:24 in by salman abdi
  • Visits: 691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenka Shiinaha ayaa rajo ka muujiyey Hagaajinta xiriirka ka dhexeeya Dalka Japan,

    Madaxweyne Ku Xigeenka Shiinaha ayaa rajo ka muujiyey hagaajinta xiriirka kala dhexeeya Japan, xilli uu magaalada Beijing kulan kula yeeshay wafdi ka kooban guddoomiyeyaal gobol oo ka socdey Japan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku Xigeenka Shiinaha ayaa rajo ka muujiyey hagaajinta xiriirka kala dhexeeya Japan, xilli uu magaalada Beijing kulan kula yeeshay wafdi ka kooban guddoomiyeyaal gobol oo ka socdey Japan.




Kulankan waxaa uu daliil u yahay sida hoggaamiyeyaasha labada dal ay u doonayaan inay hagaajiyaan xiriirkooda oo uu horey si weyn ugu saameeyey muranno dhinaca dhulka la xiriira iyo kuwo taariikhi ah intaba.

Wafdiga Japan waxaa horkacayey Guddoomiyaha Gobolka Kyoto Keiji Yamada, waxayna halkaasi kaga qeybgalayaan shir ay leeyihiin Golaha guddoomiyeyaasha gobollada ee Shiinaha iyo Japan.

Wakaaladda wararka dowladda ee Xinhua ayaa sheegtay in Madaxweyne Ku Xigeenka Shiinaha Li Yuanchao uu wafdiga u sheegay in horumarinta xiriir wanaagsan iyo xasilooni laga dhex abuuro Shiinaha iyo Japan ay qeyb ka tahay danaha aasaasiga ee shacabka labada dal.


Contact@afkashacabka.com