Xildhibaan Soo Jeediyey Inaan Xukuumaddu Si Gaar Ah Ugu Amar Ku Taaglayn Awoodda Sharci Ee Dalka

0
Wednesday July 01, 2020 - 10:08:31 in by salman abdi
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Soo Jeediyey Inaan Xukuumaddu Si Gaar Ah Ugu Amar Ku Taaglayn Awoodda Sharci Ee Dalka

    Xildhibaan Soo Jeediyey Inaan Xukuumaddu Si Gaar Ah Ugu Amar Ku Taaglayn Awoodda Sharci Ee Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Soo Jeediyey Inaan Xukuumaddu Si Gaar Ah Ugu Amar Ku Taaglayn Awoodda Sharci Ee Dalka

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa ku taliyey in Dastuurka iyo Xeerarka dalka la ilaaliyo, oo aanay ciddina si gaar ah u adeegsan, waxaanu si gaar ah uga hadlay Telefishanada ay Xukuumaddu kala noqotay ruqsada iyo wuxuu sharcigu ka qabo.


Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Waan maqlay Telefishano lagala noqday Ruqsad oo dashaqoee ay dalka kaga shaqeeyaan, ta kale waan arkaayey dooddii Garyaqaanada ay ku doodayeen ee ay lahaayeen waa sharci-daro in ruqsadda lagaga noqdo Labada Telefiishan, haddii ay dhabtahay doodda Garyaqaanadu waa sharci-daro oo Xukuumaddu sharci-daro ayey ruqsadda ugula noqotay Telefishanada, sharciguna wuxuu ogyahay cid kasta oo Xukuumaddu wax ka tirsanayso iyadoo aan amar dawladdeed u isticmaalin inay sharciga u soo marto, oo talaabo sharciya ka qaado, labadan Telefishina waxay ahayd in intaaanay kala noqon ruqsadda inay sharciga u keento, maxaa yeelay Xeerarka iyo Dastuurka dalka cid si gaar ah ugu amar ku taaglayn kartaa ma jirto, awoodda Xukuumaddana sifo sharci-daro ah looma adeegsan karo, ee wax walba Xukuumaddu sharciga ha u raacdo, oo xaqa umadda ha la ilaaliyo”.


Mar uu ka hadlayey Koronaha ayaa yidhi "Haddii berri (maanta), xayiraadihii la qaadayo waan soo dhaweeynayaa, ee yaan la is dhigan, sababtoo ah Koronuhu wuxuu sababay hoos u dhac dhaqaale oo aad u badan, ee waan ku faraxsan nahay in dib loo furo Dugsiyadii iyo Goobihii Waxbarasho maxaa yeelay Macalimiin badan baa aad iyo aad ugu tiirsanaa dhaqaale ahaan Ardayda wax barata, laakiin markii goobihii waxbarasho la xidhay dhaqaalihiibii bay waayeen, ta kale waxaa jira danyar aad u badan oo suuqyada ka xoogsan jiray, oo iyana saamayn xoogan uu koronuhu ku yeeshay, laakiin imika in wax walba caadi noqdaan ayaan ku faraxsan nahay”.


Mar uu ka hadlayey hantida Qaranka ayaa yidhi "In mar kasta laga dheeraado musuqa oo hantida umadda la ilaaliyo waa muhiim, ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawladaha Hoose ee dalku ha ilaaliyaan dhulka danta guud, oo ha laga dheeraado in la musuqo, oo u umadda hantidooda ha loo ilaaliyo”