Maxkamad Gaar Uqabilsan Dagaalka Dalka Bangladesh Ayaa Marlabad Xukun Dil Ah Ku Xukuntay Masul Sare Oo Ka Mida xisbiga Jamaat-e-Islami
Maxkamad gaar ah oo qaabilsan danbiyada dagaalka ee wadanka Bangladesh ayaa xukun dil ah ku xukuntay mar kale xubin sare oo ka tirsan xisbiga dalkaasi ugu weyn ee Jamaat-e-Islami.
Quasem Ali, oo loo arko in uu ka mid yahay dadka dhaqaalaha ugu badan ku bixiya xisbigaasi ayaa lagu helay sideed dembi, waxaana kamid ah waxyaabaha loo haysto nin jirdil loogu geystay xabsi uu ku xirnaa xilligii Banglashesh ay dagaalkii xornima doonka ahaa kula jireen wadanka Pakistan 1971.
Xisbiga Jammat-e-Islami ayaa ugu baaqay in dalkaasi oo dhan laga sameeyo banaan bax looga soo horjeedo go’aanka ay maxkamaddu qaadatay.
Isbuucii la soo dhaafay, hoggaamiyaha xisbigaasi Motiur Rahman Nizami ayaa isna lagu xukumay dil, gacan tii uu kulahaa dambiyadaasi dagaal awgeed
Contact@afkashacabka.com