Barnaamijkii Qanci Dadkaaga Ee Guddida Covid19 Lagu Su'aali Lahaa Oo Dib U Dhacay+Tuhunnada Dul Hoganaya

0
Thursday July 02, 2020 - 13:20:23 in by salman abdi
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barnaamijkii Qanci Dadkaaga Ee Guddida Covid19 Lagu Su'aali Lahaa Oo Dib U Dhacay+Tuhunnada Dul Hoganaya

    Barnaamijkii Qanci Dadkaaga Ee Guddida Covid19 Lagu Su'aali Lahaa Oo Dib U Dhacay+Tuhunnada Dul Hoganaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamijkii Qanci Dadkaaga Ee Guddida Covid19 Lagu Su'aali Lahaa Oo Dib U Dhacay+Tuhunnada Dul Hoganaya Barnaamijka Qanci-dadkaaga ee ka baxa Tv-ga Caalamiga ah ee Horn Cable ayaa waxa xalay macsuun ku ahaa Gudida Heer Qaran ee ka hortagga iyo u diyaar garawga Cudurka Corona-Virus kaasi oo su’aalo furan lagu waydiinayay balse waxa xili dambe oo Galinkii dambe ee Shalay ah Warbaahinta kasoo baxay Xoghaya Gudidaasi oo sheegay in kulankaasi xagooda ka baaqday. Kulankan oo si weyn ay ugu diyaar garoobeen Shacabka Reer Somaliland gaar ahaan Dadka Caasimadda Hargeysa ku sugani si ay uga bogsadaan su’aalo badan oo ka taagan hanaankii Gudidaasi u maamushay dhaqaalihii kasoo galay ilaha kala duwan ee ay ku kharash gareeyeen hawl maalmoodkooda.

 Xoghayaha Guud ee Gudidaasi Xuseen Aadan Cige (Dayr) oo arinta keentay in Gudidaasi ka baaqato inay Bulshada Xalay hortimaado ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Anigoo ah Xoghayaha Guud ee Gudida Heer Qaran ee ka hortagga iyo u diyaar garawga Xannuunka Corona-Virus,waxaanu aad iyo aad u jeclayn inaanu ka qayb galno caawa Barnaamijka Qanci dadkaaga oo ka baxa Telefishanka Horn Cable Tv, Sidaad la socontaan Gudida hawlo badan oo qaran ayay ku mashquulsan tahay, Sidaas daraadeed Barnaamijku wuxuu usocon waayay Hawlo qaran oo Gudida ku yimid dadka daawadayaasha ah ee Barnaamijka ku xidhnaa ama u diyaar garoowbayna waxaanu ka raali galinaynaa inaanu barnaamijkii Caawa aanu socon karayn oo uu xagayaga ka baaqday” Waxa kale oo uu yidhi "Markaa Haddii Alle yidhaah, Horn Cable Tv waxa uu ka soo sheegi doonaa Gadaal sida ugu dhakhsiyaha baddan leh, ee barnaamijkaa qanci dadkaaga ay guddidu kaga jawaabi doonaan su’aalo badan oo la xidhiidha Hawlaha ay qaranka u hayaan”.