Maareeyaha Wakaaladda Biyaha caasimadda Hargeysa oo Wadanka Konfur afrika kaga qaybgelaya Shir caalami ah

0
Monday November 03, 2014 - 08:19:26 in by salman abdi
  • Visits: 649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Wakaaladda Biyaha caasimadda Hargeysa oo Wadanka Konfur afrika kaga qaybgelaya Shir caalami ah

    Maareeyaha Wakaaladda Biyaha caasimadda Hargeysa ee Somaliland Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa u ambabaxay shir caalami ah oo waddamo fara badan oo ku yaal Qaaradda Afrika loogu qabanayo dalka Koonfur Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha caasimadda Hargeysa ee Somaliland Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa u ambabaxay shir caalami ah oo waddamo fara badan oo ku yaal Qaaradda Afrika loogu qabanayo dalka Koonfur Afrika.

Shirkan oo uu qabanayo Baanka Adduunku oo 4-ta bishan November ka furmaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, kuna saabsan falanqayn ku saabsan dib-u-habayn iyo hirgelin lagu sameeyo qorshe guul lagaga gaadho biyaha, waxa ka qaybgalaya  maamulayaasha wakaaladaha biyaha ee ilaa 26 waddan oo ku yaal Afrika.

Sida lagu baahiyey shabakadda Wakaaladda Biyaha Hargeysa ee Hargeisawateragency.org, waxa Maareeyuhu ku tilmaamay ka qaybgalka shirkan mid faa’iido u leh Somaliland iyo wakaalad ahaanba.

"Shirkan waxa ka soo qaybgalaya maareeyeyaasha wakaaladaha biyaha ee caasimadaha ilaa 26 waddan oo Afrikaan ah, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Baanka Adduunka, gaar ahaan qaybta u qaabilsan nadaafadda iyo biyaha, waxaanna shirkan oo saddex maalmood socon doona muhiimadiisu tahay sidii masuuliyiinta wakaaladaha biyaha ee dalalka lagu casuumay la isku waydaarsan lahaa aqoonta iyo siday u shaqeeyaan, iyadoo uu hoggaamin doono nin khabiir ah oo maamule ka ahaa wakaalad biyood dalka Sweden muddo dhawr iyo labaatan sanno ah, kuna guulaystay billad caalami ah sidii uu u maamulay hay’addaasi.


Shirkaasi oo Somaliland ahaan naloogu casuumay waxaan is leeyahay fursad fiican ayaa uga jira Somaliland ama ka wakaalad biyo ahaan oo aannu wax badan ka faa’iidaysan doono, waayo aqoontu waxay ku jirtaa aragtiyaha oo la iswaydaarsado,” ayuu yidhi Maareeye Ibraahim Siyaad Yoonis. 



Contact@afkashcabka.com