Madaxwyanayaasha Somalia iyo Shiinaha oo iska arkay Xidhiidhka Dhex Maraya Wadamada Taiwan iyo Somaliland
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa muujiyay sida uu u diiddan yahay xiriirka dhawaan ay yeesheen Taiwan iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Muqdisho iyo Beijing ay dhowrayaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee labadooda dal, kadib kulan uu madaxweynaha la qaatay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian.
Danjire Jian ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisa ay ka go'an tahay "dhowrista Qarannimada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya."
Shiinaha ayaa ka carooday tallaabada ay Taiwan xiriirka kula sameysay Somaliland, kadib markii ay wakiil usoo dirsatay Hargeysa.
Taipei iyo Hargeysa aya sheegay inay iska kaashan doonaan arimaha caafimaadka, beeraha iyo macdanta.
Somaliland ayaa tan iyo 1991 raadineysay aqoonsi, mana jiro dal qura ah oo u aqoonsaday inay ka madaxbannaan tahay Soomaaliya.
Taiwan ayaa dhinaca kale waxaa aqoonsaday 15 waddan, inkastoo tan iyo markii ay xukunka la wareegtay madaxweyne Tsai Ing-wen 2016 ay xiriir diblomaasiyaseed u jareen 7 kamid ah dalalkaasi kadib cadaadis uga yimid Shiinaha.
Inkastoo Taiwan ay isu aragto dal madaxbannaan oo dhaqaalo ahaanna isku filnaaday, ayaa dhanka kale Shiinaha waxa uu tilmaamaa inay kamid tahay dhulkiisa, isla markaana uu maalin uun qabsan doono xitaa haddii ay noqoto qaab muquunin ah.
Madaxwyanayaasha Somalia iyo Shiinaha oo iska arkay Xidhiidhka Dhex Maraya Wadamada Taiwan iyo Somaliland
Madaxwyanayaasha Somalia iyo Shiinaha oo iska arkay Xidhiidhka Dhex Maraya Wadamada Taiwan iyo Somaliland