Soomaaliya iyo China oo isla meel dhigay ixtiraamka madax-bannaanida iyo dowladnimada labada

0
Monday July 06, 2020 - 09:33:52 in by salman abdi
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo China oo isla meel dhigay ixtiraamka madax-bannaanida iyo dowladnimada labada

    Soomaaliya iyo China oo isla meel dhigay ixtiraamka madax-bannaanida iyo dowladnimada labada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya iyo China oo isla meel dhigay ixtiraamka madax-bannaanida iyo dowladnimada labada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo wadahadal la yeeshay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian, ayaa diiradda saaray ixtiraamka madax-bannaanida iyo dowladnimada labada dal.


Intii kulanku socday, labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo dadkooda.

Farmaajo ayaa soo dhoweeyay taageerada Shiinaha ee midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna ballanqaaday Soomaaliya inay ixtiraamidoonto madax-bannaanideeda iyo dowladnimadeeda dhul.

"Labada dhinac waxay adkeeyeen aragtida wadajirka ah ee ixtiraamka midnimada iyo wadajirka dhuleed," ayuu Farmaajo ku yiri hadal uu soo saaray fiidnimadii Sabtida.

Safiirka China Qin wuxuu mar kale xaqiijiyey ballan-qaadyada dowladda Shiinaha ee ah inay ixtiraamayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Maamulka Somaliland ayaa dhawaan sheegay inay Taiwan u aqoonsan yiiin dal ahaan, iyagoo ugu tagay dalkooda islamarkaana u wada hadlay labo dowladdood oo yeelanaya xidhiidh cusub oo taariikhi ah.

Tallaabada Somaliland waxay ka caraysiisay dowladda China oo safaaraddeeda Soomaaliya ay soo saartay bayaan kooban oo ay ku cambaaraynayso arintaas.