Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Xaysimo Oo Ka Hadalay Xaaladda Ammaanka Taleex

0
Monday November 03, 2014 - 11:31:30 in by Burco Office
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Xaysimo Oo Ka Hadalay Xaaladda Ammaanka Taleex

    Badhasaabka gobolka cusub ee uu dhawaan madaxweynaha Somaliland magacaabay ee Xaysimo Cabdirashiid Maxamuud Axmed ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee gobolkaas hadda ku sugan yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabka gobolka cusub ee uu dhawaan madaxweynaha Somaliland magacaabay ee Xaysimo Cabdirashiid Maxamuud Axmed ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee gobolkaas hadda ku sugan yahay.

Badhasaabku waxa uu sheegay inuu la kulmay waxgaradka iyo odayaasha gobolka Xaysimo, si uu ugala hadlo arrimo nabadgelyo-darro oo muddooyinkii u dambeeyay ka jirtay halkaas, isagoo xusay inuu odayaasha kula dardaarmay ilaalinta mustaqbalka iyo aayaha deegaanka Xaysimo.

Sidoo kale Cabdirashiid Maxamuud Axmed waxa fariin u diray dawladda Somaliland oo ugu baaqay inay il naxariis leh ku eegto gobolkaas cusub, si wax looga qabto nabadgelyo-darrada ka jirta, horumarkiisana loo gaadhsiiyo gobollada kale ee dalka.

Ugu horeyn badhasaabka gobolka Xaysimo oo ka hadlaya kulankii uu la yeeshay odayaasha deegaankaas waxa uu yidhi. "Taleex waxaanu kala kulanay xaalad nabadgelyo-darro oo ka jirtay, marka horena aanu dareensanayn, arrintaas waxaanu kala kulanay beelihii meesha isku hayay odayaashoodii iyo cuqaashii, waxagaradka oo aan muddo isku imana waanu isku keenay, Chief-caaqil Ismaaciil Maxamed Cali Koore iyo Caaqil Cabdirashiid, si wada-jir ah ayaanu ugala hadalnay nabad-gelyada iyo deegaanka mustaqbalkiisa iyo aayihiisa. Waxa kale oo aanu la kulanay odayaal kale oo kasoo jeeda deegaanka.”

Dhinaca kale Cabdirashiid Maxamuud Axmed isagoo baaq u dirayaa dawladda iyo goleyaasheeda kala duwan waxa uu yidhi. "Waxaan codsanayaa anigoo badhasaabkii gobolka ah arrintaas nabadgelyada ee gobolka ka jirta ee aadka u liidata in dawladdu si aan hagar lahayn dawladdu il naxariisle ugu soo eegto, waxna ka qabato juhdi badanna ku bixis





contact@afkashacabka.com