Somaliland Oo Shiinaha Ka Diidday Inay Xidhiidhka U Jarto Taiwan, Xilli Uu Shiinuhu U Soo Bandhigay Inuu Xafiis Ka Furto Hargeysa
Somaliland Oo Shiinaha Ka Diidday Inay Xidhiidhka U Jarto
Taiwan, Xilli Uu Shiinuhu U Soo Bandhigay Inuu Xafiis Ka
Furto Hargeysa Dawladda Somaliland ayaa ka diidday Shiinaha dalab uga yimi kaas oo ahaa
inay xidhiidhka u jarto jasiirradda Taiwan.
Warkani, oo lagu daabacay mareegta Raadiyaha caalamiga ah ee Taiwan (
Radio Taiwan International), ayaa waxaa lagu sheegay inuu Shiinuhu cadaadis
ku saaray Somaliland sidii ay xidhiidhka ugu jari lahayd jasiiradda Taiwan,
kadib markii Somaliland iyo Taiwan ay si rasmi ah u shaaciyeen xidhiidhkooda,
iyagoo xafiis-wakiileedyo ka kala samaysanaya labada geesood.
Warar ay qortay warbaahintani, ayaa sheegay in danjiraha Shiinaha u
qaabilsan Soomaaliya uu laba jeer la kulmay masuuliyiin ka socda
Somlailand, isagoo isku dayay inay Somaliland xidhiidhka u jarto
jasiiradda Taiwan, taasi oo aanu Shiinuhu ogolayn inay madax bannaani
buuxda ka qaadato dhulkiisa.
Wararka lagu daabacay mareegta Radio Taiwan International, ayaa sidoo
kale lagu sheegay in dalabka dawladda Shiinaha ay kamid ahayd, in
haddii Somaliland xidhiidhka ay u jarto Taiwan, uu shiinuhu ka furan
doono xafiis magaalada caasimadda u ah Somaliland ee Hargeysa.
Mareegta Radio Taiwan International, ayaa sheegtay in madaxwaynaha
iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ay u sheegeen masuuliyiintii
Shiinaha ahaa inay soo dhawaynayaan wada shaqaynta dalalka oo dhan,
kuwaas oo uu xitaa Shiinuhu kujiro, balse waxay diideen dalabkii
Shiinaha ee ahaa inay xidhiidhka u jaraan Taiwan.
Somaliland Oo Shiinaha Ka Diidday Inay Xidhiidhka U Jarto Taiwan, Xilli Uu Shiinuhu U Soo Bandhigay Inuu Xafiis Ka Furto Hargeysa
Somaliland Oo Shiinaha Ka Diidday Inay Xidhiidhka U Jarto Taiwan, Xilli Uu Shiinuhu U Soo Bandhigay Inuu Xafiis Ka Furto Hargeysa