Dawladda Soomaaliya Oo Xadhiga Ka Jartay Fagaaraha Midnimada Iyo Magacyada Magaalooyinka Somaliland

0
Friday July 10, 2020 - 11:12:17 in by salman abdi
  • Visits: 342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Soomaaliya Oo Xadhiga Ka Jartay Fagaaraha Midnimada Iyo Magacyada Magaalooyinka Somaliland

    Dawladda Soomaaliya Oo Xadhiga Ka Jartay Fagaaraha Midnimada Iyo Magacyada Magaalooyinka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Soomaaliya Oo Xadhiga Ka Jartay Fagaaraha Midnimada Iyo Magacyada Magaalooyinka Somaliland

Raysal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Khadar Guuleed, ayaa xadhiga ka jaray fagaare loogu magac-daray beerta midnimada Somaaliya,taas oo ah barxad weyn oo loo qorsheeyey inay ku nastaan kuna sheekaystaan dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.


Raysal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa waxa kale oo uu sheegay in wadda haddalada Somaliland iyo Somaaliya ay u socdaan dhanka midnimada Somaaliya, waxaanu xusay in mutalayaasha lagu nasto ee fagaarahaas loo kale bixiyey magac-yadda magaalooyinka Gabiley& Dhuusamareeb, Muqdisho iyo Hargeysa., Berbera , Ceerigaabo iyo kuwo kale



Raysal Wasaare xigeenka Soomaaliya oo halkaas ka haddlay ayaa sheegay siddan: "Wuxuu amray Madaxweynuhu in daartan laga dhigo si loo xasuusto midnimaddii ummadda Somaaliyeed,Barxada Midnimada oo ah Beer ay ku nasan doonaan dad weynaha gobolka Banaadir iyo sidoo kalena ay iskugu iman doonaan dadka danaynaya lixadnkii daartii midnimadu halkay ahayd oo ay soo bookhdaan indhahooga ku arkaan .”Ayuu yidhi Raysal Wasaare Xigeenka Somaaliya


Raysal Wasaare Mahdi ayaa intaas ku daray "Wey inoo dhammaystirantay weynu daahfurnay, waxaanu soo marnay fadhiyadda kale duwan oo ina xasuusinaya mataanaynta koonfur iyo waqooyi iyo magaalooyinkii koonfur iyo waqooyi oo mid waliba ay mid mataano ku tahay oo lagu ballamayo,Gabiley & Dhuusamareeb, Muqdisho & Hargeysa, Berbera & Baraawe, Burco & Kismaayo, Jawhar & Boorama, toddoba magaalo ugu yaraan oo koonfur iyo Waqooyi ah oo ay dadku iskugu imanayaan oo ay leeyihiin halkaas ayaan fadhiyaa,waa xasuusin dayarteena iyo bulsha weyntaba la xasuusinayo in midowgaas dhacay midnahay ummadda Somaaliyeed isu hilowday wadajir tahay.” Ayuu yidhi Raysal Wasaare Mahdi Khadar Guuleed


Dhanka kalena Raysal Wasaare ku-xigeenka Somaaliya Mahdi Khadar oo ka haddlayey wadda haddalada Somaliland iyo Somaaliya halka ay ku dambayn doonaan ayaa sheegay sidan: "Lixdan sano kadibna dib isugu soo hiloobayso wadda haddalo midho dhal ahi oo la isugu keenayo midnimadii dib loogu abqaalayo loo meel marinayo ay hadda socdaan, Madaxweynuhu uu hormood u ahaa, haddana ay guddiyadii farsamadu ay hawlahood gelayaan .”Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya.