Ciidanka amniga Puntland iyo dabley hubaysan oo saaka ku dagaalamay Gaalkacyo

0
Saturday July 11, 2020 - 09:31:09 in by salman abdi
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka amniga Puntland iyo dabley hubaysan oo saaka ku dagaalamay Gaalkacyo

    Ciidanka amniga Puntland iyo dabley hubaysan oo saaka ku dagaalamay Gaalkacyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka amniga Puntland iyo dabley hubaysan oo saaka ku dagaalamay Gaalkacyo Iska hor imaad u dhexeeya ciidanka amniga Puntland iyo  Maleeshiyaad is-aruursaday ayaa mar kale saakay dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.


Wararka aan helayno waxay sheegayaan in kooxda maleyshiyaadka ay saakay waaberigii weerar ku qaadeen xarunta madaxtooyada Gaalkacyo, halkaas oo fariisin u ah ciidanka madaxtooyada Puntland

Waxaa lasoo sheegayaa in rayid ah ku dhinteen rasaasta ay iswaydaarsanayeen labada dhinac. Waxaa sidoo kale gubtay qeybo kamid ah Suuqa Gaalkacyo.

Iska hor imaadkan ayaa dabo socday dagaal xalay dhexmaray ciiddanka booliiska Gaalkacyo iyo dabley hubaysan oo lagu tilmaamay inay ka caraysan yihiin khasaarihii ka dhashay dagaalkii xalay.

Waxaa socda dadaalo lagu dajinayo xaaladda ka dhalatay tallaabada ciiddanka.

Masuuliyiinta amniga iyo mamaulka gobolka weli kama aysan hadlin dhacdooyinkaan isdaba socda.