Kala Sareynta Gooldhalinta Horyaalka Premier League – Aguero Oo Hogaaminaya
Xiddiga reer Argentina ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ay Manchester City kaga badisay Manchester United taasoo ka dhigtay inuu keli ku noqdo hogaanka kala sareynta gooldhalinta horyaalka.
Diego Costa ayaa ku jira haatan kaalinta labaad isagoo leh sagaal gool, laakiin xiddiga reer Spain ayaa dhaawac ku maqnaa isbuucyadii u danbeysay inkastoo uu garoomada ku soo laabtay kulankii ay isbuucaan ka badiyeen kooxda QPR
Costa ayaana ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto kulankii Stamford Bridge.
Alexis Sanchez ayaa soo galay kaalinta seddexaad ee kala sareynta gooldhalinta isagoo leh todoba gool ka dib markii uu labo gool dhaliyay kulankii ay Arsenal 3-0 kaga badisay Burnley, waxaana ay isku boos yihiin Saido Berahino oo isna dhaliyay todoba gool xilli ciyaareedkan.
Kala Sareynta Gooldhalinta Horyaalka Ingariiska:
# | Magaca | Koox | Goolasha |
---|---|---|---|
1 | Sergio Agüero | Manchester City | 10 |
2 | Diego Costa | Chelsea | 9 |
3 | Saido Berahino | West Brom | 7 |
3 | Alexis Sánchez | Arsenal | 7 |
4 | Graziano Pellè | Southampton | 6 |
4 | Diafra Sakho | West Ham | 6 |
5 | Charlie Austin | QPR | 5 |
5 | Nacer Chadli | Tottenham | 5 |
5 | Leonardo Ulloa | Leicester City | 5 |
6 | Wilfried Bony | Swansea | 4 |
6 | Papiss Demba Cissé | Newcastle | 4 |
6 | Mohamed Diamé | Hull City | 4 |
6 | Nikica Jelavic | Hull City | 4 |
6 | Romelu Lukaku | Everton | 4 |
6 | Steven Naismith | Everton | 4 |
7 | Fraizer Campbell | Crystal Palace | 3 |
7 | Ángel Di María | Man United | 3 |
7 | Mame Biram Diouf | Stoke City | 3 |
7 | Nathan Dyer | Swansea | 3 |
7 | Christian Eriksen | Tottenham | 3 |
7 | Samuel Eto’o | Everton | 3 |
7 | Eden Hazard | Chelsea | 3 |
7 | Abel Hernández | Hull City | 3 |
7 | Mile Jedinak | Crystal Palace | 3 |
7 | Oscar | Chelsea | 3 |
Kala Sareynta Gooldhalinta Horyaalka Premier League – Aguero Oo Hogaaminaya
Sergio Aguero ayaa keli ku noqday hogaanka gooldhalinta horyaalka Premier League ka dib markii uu dhaliyay goolkiisii 10aad ee xilli ciyaareedkii kulankii shalayto ee Manchester Derby