"Guddoomiyaha WADDANI Waa Ninka Ugu Dhaw Inuu Madaxweyne Noqdo".. Siyaasi Cali Guray.

0
Tuesday July 14, 2020 - 12:39:28 in by salman abdi
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Guddoomiyaha WADDANI Waa Ninka Ugu Dhaw Inuu Madaxweyne Noqdo".. Siyaasi Cali Guray.

    "Guddoomiyaha WADDANI Waa Ninka Ugu Dhaw Inuu Madaxweyne Noqdo".. Siyaasi Cali Guray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Guddoomiyaha WADDANI Waa Ninka Ugu Dhaw Inuu Madaxweyne Noqdo".. Siyaasi Cali Guray.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE waxa uu Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) in uu yahay nin yaqaanna waxa uu doonayo isaga oo sheegay in uu yahay ninka ugu dhaw in uu dalka Madaxweyne ka noqdo haddii doorasho Madaxweyne la qabto.


Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal uu xalay ku baahiyay baraha Bulshada waxa uu Cabdiraxmaan Cirro ku ammaanay siyaasi dad la socod leh oo dadka dhagaysta taasi oo uu sheegay in uu ka waayay Madaxweynihii ay taageersanaayeen ee u ololeeyeen.


Cali Guray oo arrimahaasi iyo kuwo kale ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Guddoomiyaha WADDANI waxan filayaa in uu garanayo waxa uu doonayo. Waa ninka ugu dhaw in uu ku guulaysto jagada Madaxwaynaha hadii November 2022ka ay doorashadu qabsoonto. Xaq buu u leeyahay dantiisuna way tahay in uu helo saaxad uu ku tartamo marka ay dhamaato muddo xileedka Madaxwayne Muse Biixi. Hadii aanu taa gorgortan ka gelayn hadda laab isku qaadashadooda waxan filayaa waxay ku egtahay doorashadan 2020.

Ololihii doorashada taageerayaasha Muuse Biixi ee aniguba aan ka midka ahaa waxanu dhaliil uga dhigi jirnay " waar ninkan dhegta wax loo saarayaa waxba hogaamin kari maayo”. Maanta ayaanu leenahay "ILAAHAYOW CAWO BADANAA DAD HELAY MADAXWAYNE DHEGTA WAX LOO SAARO OO CID UUN WAX KA DHEGAYSTA”. Markaa ha la yaabina aniga iyo inta ila midka ah waa tii la yidhi: Nin Ambaday Halkuu Aaday Way Ula Ekoonaataye”