Weriye xabsiga Gudihiisa u Geeriyooday Xanuunka COVID-19 Iyo Xabsiga uu ku Geeriyooday

0
Wednesday July 15, 2020 - 09:29:03 in by salman abdi
  • Visits: 387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye xabsiga Gudihiisa u Geeriyooday Xanuunka COVID-19 Iyo Xabsiga uu ku Geeriyooday

    Weriye xabsiga Gudihiisa u Geeriyooday Xanuunka COVID-19 Iyo Xabsiga uu ku Geeriyooday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weriye xabsiga Gudihiisa u Geeriyooday Xanuunka COVID-19 Iyo Xabsiga uu ku Geeriyooday Suxufigii caanka ahaa ee reer Masar Mohamed Monir ayaa u dhintay xanuunka Covid-19, sida gabadhiisa ay u xaqiijisay weriyayaasha .


Monir ayaa ahaa maxbuus u xeran dowladda, waxaana jeelka la dhigay, kadib markii uu kasoo muuqday telefashinka laga leeyahay dalka Qatar ee Aljazeera, oo Masar laga mamnuucay in laga daawado.

Waxaa lagusoo eedeeyay intii u xernaa ku biiritaanka koox argagaxisa ah, faafinta warar been abuur ah iyo inuu warbaahinta bulshada "Social mediaā€¯ uu ku qoray warar aan habooneyn.

Sida lagasoo xigtay Guddiga difaaca weriyayaasha ee saldhiggiisu yahay Mareykanka CPJ in Mohamed Monir uu ku dhintay bar lagu karaantiilay Isniintii, kadib markii ay kasoo if baxeen calaamadaha COVID-19.

Dalka Masar ayaa waxa uu kamid yahay waddamada sida adag loogu cabburiyo saxafiyiinta sida lagasoo xigtay Ururka suxufiyiinta dunida ee aan xudduudda laheyn. Waxana uu dalkaasi kamid yahay meelaha ugu daran ee weriyayaalka lagu xero.

Marka loo yimaado xogta COVID-19 ee Masar, waxa uu xanuunku soo ritay 83,000 waxaana u dhintay 4,000 oo ruux, sida ay dowladdu sheegtay.