Magaalda Burco Oo Si Balaadhan Looga Xusay 21 sano guuradii Aas-aaska Ciidanka Policeka Somaliland

0
Monday November 03, 2014 - 17:47:17 in by Burco Office
  • Visits: 1195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalda Burco Oo Si Balaadhan Looga Xusay 21 sano guuradii Aas-aaska Ciidanka Policeka Somaliland

    magaalda burco oo sibalaadhan looga xusay 21 sano guuradii aas-aaska ciidanka policeka somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

magaalda burco oo sibalaadhan looga xusay 21 sano guuradii aas-aaska ciidanka policeka somaliland


Munaasibada balaadhan oo lagu qabtay qaybta policeka ee gobolka togdheer xuska maalinata aas-aska ciidanka policeka ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha gobolka togdheer maxamed muuse diiriye maayir ku xigeenka degmada burco ahna ku simaha maayirka  muxumed xasan jamac  iyo saraakiil iyo qaybaha kala duwan ciidanka policeka

ugu horentii waxay gudoomihaya gobolka togdheer iyo masuuliyiintii kale ka qaateen ciidanka policeka salaam sharaf

Ugu harentii waxa halkaas ka hadlay gudoomiyaha gobolka togdheer maxmed muuse diiriye oo ugu hambalyeey aas-aaska ciidanka policeka  waxaan uu yidhi

"Marka hore waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan ciidanka policeka Somaliland oo maanta ku began tahay aas-aaskiisi , runtii ciidanka police kaalinta uu kaga jiro nabad-galada iyo qarnimada somaliland manta isu sheegimayno ,waan ognahay oo waa halbowlaha ay umadu ku seexato ee ay kuna soo toosto ,manta ciidana policeka waa ay 21tan jirsateen ,hadaad 21tan jisaten waxaan filyaa in muda=o badan oo ka dambaysay inti ciidanka la aas-aasay ahna wax badan idinku kordheen sida darajada manta garbihiina saran jaamacadaha dalka laydinka furay hadana waxaan idinka filayaa inaad koorayo dalka dibadiisa inaad u baxdaan si aad cilmiginu u korosataan waxaan idinku bogaadinaya oo idinku hambalyeynayaa xuska manta ee aas-aaska ciidanka policeka hambalyo" ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka togdheer maxamed muuse diiriyr oo ka hadlaayey munaasibada aas-aaska ciidanka policeka Somaliland

waxa sidoo kale  halkaas ka haday gudoomiy ku xigeenka degta burco ahna ku simaha maayirka burco waxaana uu yidhi 

"waxaan halkan Ka Hambaalyeynayna Dhamaan Ciidanka Policeka somalialnd gaar ahaan ciidanka gobolka Togdheer Guud Ahaan ,waxaan leenahay Durufaha badan oo Dalkani Soo Maray waxaan Runtii Qayb Ka ahaayeen wax weyn ka soo qabteen ,iyadoo duruufo aqooned ay jireen iyo duruufo kale 

oo ku xeernaa ay jiren lana soo dabasheenmudadii 21 sano ahayd ee ay jiren ,waxaan ka markhaati kacaynaa in ciidanka policka somalilad qayb weyn ka yahay qaranka iyo dadweynahiisuba aad iyo aad baan runtii idinku hambalyeenayaa idika iyo qoysoskooda iyo eheladoodba" ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka degmada burco muxumed xasan jamac 

waxa munaasibadaas  lagu xusaayey aas-aaska ciidanka policea  soo gab gabeeye   halkaas ka hadlay  taliyaha qaybta policeka ee gobolka togdheer  gaashanle cabdi muuse cabdlaahi waxana uu yidh 


"Marka hore waxaa salaamayaa dhamaan umda Reer Somaliland iyo dhamaan masuuliyiinta qaranka ugu saraysa iyo taliyaha ciidanka policeka, waxaan dhamaan ciidanka policeka Somaliland ugu hambalyeynayaa xuska maalintani waxaan ciidanka policeka ee gobolka togdheer salaam uga sidaa taliyaha ciidanka policeka , iyadoo maantalaga xusayo taliska guud e ciidanka policeka , hadana waxaan maanta iskugu soo baxnay inaan maadaama oo a tahay maalin farxadeed oo ay ciidanka policeku ay leeyihii farxadaas la qabsadan , dadweynaha reer togdheer waxaanu ugu bushareenayaan sida ay noola shqeeyaan xaga nabad galyada anigoo gu hambalyeynaaysida noola shaqeeyeen ‘’ ayuu yidhi taliyaha qaybta policeka ee gobolka togdheer gaashanle cabdi muuse cabdilaah  


xuskan lagu xusaayey aas-aaskii  ciidanka policeka somaliland  oo sanad walba la xuso   3 november  ayaa  jawi wacan ku soo dhamaatay


cabdirisaaq koronto
burco/office 


contact@afkashacbka.com