Goerge Floyd isaga ayaa codsaday inuu dhulka seexdo'

0
Friday July 17, 2020 - 08:34:35 in by salman abdi
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goerge Floyd isaga ayaa codsaday inuu dhulka seexdo'

    Goerge Floyd isaga ayaa codsaday inuu dhulka seexdo'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goerge Floyd isaga ayaa codsaday inuu dhulka seexdo'

Warbaahinta Mareykanka ayaa shaacisay in George Floyd, oo ah ninkii madowga ahaa ee ku geeriyooday gacanta booliska Minneapolis, uu isagu codsaday inuu dhulka seexdo.

Xogtan oo muujineysay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha Floyd ayaa laga helay mid ka mid ah kaamirooyinka ku xirnaa askartii qabatay.

Marka uu dalbanayay in uu dhulka seexdo wuxuu ka cabanayay inay neefsashada ku adag tahay, xilligaas oo booliskuna ay isku dayayeen inay ku khasbaan inuu gaarigooda raaco.

Tan iyo 25-kii bishii May, oo ahayd xilligii uu geeriyooday George Floyd, waxaa soo baxayay xogo dheeraad ah oo ku saabsan waqtigiisii ugu dambeeyay.

Dilka Floyd maloo dacweynkaraa maamulka Minneapolis oo dhan?

Qoyska George Floyd ayaa maanta dacwad ka dhan ah maamulka magaalada Minneapolis u gudbiyay maxkamad, iyagoo doonaya in loo maxkamadeeyo dhimashiisa.

Afar askari ayaa shaqada looga eryay falkii uu ku dhintay Floyd, waxayna wajahayaan dacwado.

Derek Chauvin, Tou Thao, J Alexander Kueng, Thomas Lane
Qoraalka sawirka,

Laga billaabo dhinaca bidix: Derek Chauvin, Tou Thao, J Alexander Kueng, Thomas Lane

Dacwaddan ayaa lagu sheegay in booliska magaalada ay ku xadgudbeen xuquuqdii uu lahaa Mr Floyd, markii ay xirayeen, maamulka magaaladuna uu raalli ka ahaa dhaqanka booliska ee ay awoodda xad-dhaafka ah ugu adeegsadaan dadka iyo ficilladooda cunsuriyadda ku dheehan tahay.

"Geerida Mr Floyd waxay qeyb ka tahay xasaradaha caafimaadka dadweynaha, gaar ahaan bulshada madowga ah ee Mareykanka," ayuu yiri Ben Crump, oo ah qareenka qoyska.

Mid ka mid ah garsooreyaasha degmada ayaa hadda aqbalay in caddeymaha maxkamadda lagu soo daro muuqaal aad nadiif u ah oo laga helay kaamirooyinka askartii uu George Floyd gacantooda ku dhintay.

Derek Chauvin, oo muuqaal ay dad goob joogeyaal ah duubeen lagu arkay isagoo jilibkiisa Floyd qoorta uga haya ku dhawaad 8 daqiiqo, ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah.

Saddexda askari ee kale - Thomas Lane, J Alexander Kueng iyo Tou Thao - ayaa lagu soo oogay dacwado ku saabsan inay gacan ka geysteen dil bareer cad ah.

Garsoore fadhigiisu yahay magaalada Minneapolis ayaa dhageysiga dacwadaha afarta askari waqtigooda ka dhigay 8 March, 2021.

Maxaa ku jira muuqaallada dacwadda xoojinaya?

Kaamirooyinka ku xirnaa labada askari ee kala ah Mr Lane iyo Mr Kueng ayaa qeyb muhiim ah ka noqday kiiska ka dhanka ah afarta askari.

Garsooraha degmada Hennepin, Peter Cahill, ayaa oggolaaday in warbaahinta la tuso muuqaalladaas, inkastoo aan ilaa hadda la shaacinin.

Dilka Floyd ayaa sababtay in dibedbaxyo ka dhacan dalka Maraykanka
Qoraalka sawirka,

Dilka Floyd ayaa sababtay in dibedbaxyo ka dhacan dalka Maraykanka

Markii hore waxaa la baahiyay qoraalka laga sameeyay muuqaalladaas oo kaliya.

Waxay muuqaalladu ka billaabanayaan askarta ka tirsan booliska Minneapolis ee kala ah Thomas Lane iyo J Alexander Kueng oo la arkayo iyagoo ka jawaabaya wicitaan telefoon oo loogu sheegayo in lacag been abuur ah loo adeegsaday suuqa maxalliga ah, sida uu sheegay telefishinka CNN.

Ilbiriqsiyo kaddib markii ay la hadleen qofka bakhaarka joogay, askartii waxay taagnaayeen albaabka gaariga uu ku jiray Mr Floyd. Markii ugu horreysay way ku gar-garaaceen daaqadda, laakiin durbadiiba Mr Lane ayaa qorigiisa ku jeediyay Mr Floyd, wuxuuna ku amray inuu kasoo dago gaariga isagoo gacmaha kor u taagaya.

Mr Floyd ayaa la arkayay isagoo si dabacsan u hadlaya islamarkaana baryaya askarta booliska ah, islamarkiina waxaa laga soo saaray gaariga iyadoo askartana ay dhibaato kala kulmayeen inay gacmaha ka xiraan.

Culeyska ugu weyn wuxuu yimid markii ay Mr Lane iyo Mr Kueng isku dayeen inay ninka la tuhunsanaa gaarigooda saaraan.

Ugu dambeyn Mr Floyd wuxuu kasoo dhacay gaariga booliska, halkaas ayeyna ahayd meesha labada askari ee kale -Mr Thao iyo Mr Chauvin - ay kasoo galeen muuqaalka, sida uu tabiyay CNN.

Dhammaantood waxay isku dayeen inay xakameeyaan ninka, markii dmabena waxaa la arkayay Mr Chauvin oo jilibkiisa qoorta uga haya Mr Floyd oo dhulka yaalla.

Xilligaas gudihiisa waxaa la maqlayay Mr Floyd oo 20 jeer ka badan askarta u sheegaya in uusan neefsan karin.

Dhimashada Mr Floyd, oo ahaa 46 jir, ayaa mudaharaadyo waaweyn ka dhalisay gudaha Mareykanka iyo meelo kale oo ka mid ah caalamka.

Kumannaan qof ayaa ka qeyb qaatay dibadbaxyada rabshadaha watay oo looga careysnaa arxan darrada booliska iyo cunsuriyadda.