Dawlada Masar Oo Heshiis Cusub La Gashay Somaliland, Dhaq-dhaqaaqyadii Ugu Dambeeyay

0
Friday July 17, 2020 - 08:53:56 in by salman abdi
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Masar Oo Heshiis Cusub La Gashay Somaliland, Dhaq-dhaqaaqyadii Ugu Dambeeyay

    Dawlada Masar Oo Heshiis Cusub La Gashay Somaliland, Dhaq-dhaqaaqyadii Ugu Dambeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Masar Oo Heshiis Cusub La Gashay Somaliland, Dhaq-dhaqaaqyadii Ugu Dambeeyay
Dowladda Masar ayaa ku howlan sidii ay xiriir cusub iyo heshiis diblumaasiyadeed ula saxiixan laheyd xukuumada Somaliland.



Xog ay heshay warbaahinta madax-banaan, ayaa tibaaxaysa in xubno ka socda dowladda Masar ay booqasho aan shaacsaneyn ay ku yimaaden caasimada Somaliland ee Hargeysa, kuwaasi oo kulamo la qaatay madaxda ugu sareysay xukuumada Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Muuse Biixi.



Masar ayaa xiligan fursad muhiim ah u aragta inay garabka saarto Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, wallow aysan beesha caalamka ka helin aqoonsi caalami ah.

Somaliland accuses Egypt of providing weapons to the Somalia ...

Go’aanka Masar ayaa imanaya ayada oo dowladda Soomaaliya ay kala safatay Itoobiya, oo ay kala dhaxeyso xiisadda biyo-xireenka webiga Nile. Somaliland iyo Masar ayaa la filayaa inay wakiilo is weydaarsadaan, sidii ay dhawaan isku weydaarsadeen Taiwan, kadib heshiis is-afgarad oo dhex-mari doona labada dhinac, taasi oo walaac xoogan ku abuureysa dowladda federaalka iyo Itoobiya, oo iyagu hal dhinac ah.



Itoobiya ayaa iyada laftigeedu xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsan la’leh Somaliland, inkasta oo uu muddooyinkii dambe u muuqday mid hoos uga dhacay meeqaamkaasi, waxayna arrintan u horseedi doonta xiisad hor leh. Dowladda Masar ayaa sidoo kale qorsheynaysa inay Saldhig millateri ka sameysato gudaha Somaliland, iyada oo ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn goobta ay ka sameysan doonto, taasi oo ay ka wada-hadleen madaxweyne Muuse Biixi.