Trump oo gaashanka u daruuray in dadka Mareykanka lagu khasbo xirashada maaskarada

0
Saturday July 18, 2020 - 09:00:04 in by salman abdi
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo gaashanka u daruuray in dadka Mareykanka lagu khasbo xirashada maaskarada

    Trump oo gaashanka u daruuray in dadka Mareykanka lagu khasbo xirashada maaskarada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump oo gaashanka u daruuray in dadka Mareykanka lagu khasbo xirashada maaskarada

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray inuusan shacabka reer Mareykan ku amri doonin iney xirtaan maaskarada ama af-xirka looga hortago faafifadda fayraska corona.

Hadalkiisan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxa Cudurada Faafafa ee dalka Dr Anthony Fauci,uu madaxda dowladda iyo kuwa gobollada ku booriyay iney shacabka ku khasbaan xirashada maaskarada.

Dr Fauci ayaa intaasi ku daray iney aad muhim u tahay xirashada maaskarada wajiga ayna khasab tahay in qofkastaa uu isticmaalo. Dalka Mareykanka waxaa aad loo siyaasadeeyay xirashada maaskaraatiga wajiga.

Madaxweyne Trump oo mar sii horeysay gaashaanka u daruuray xirashada maaskarada ayaa markii ugu horeysay Sabtidii la soo dhaafay xirtay maaskarada.

Hase yeeshee wereysi uu siiyay warbaahinta Fox News, ayuu Trump ku sheegay inuusan marnaba ku raacsanayn in dadka khasab looga dhigo xirashada maaskaraatiga sabatoo waxa uu yiri dadku waxay u baahan yihiin xornimo.

Gobolka galbeed ee Georgia, barasaabkiisa Brian Kemp ayaa dadka deegaanka ku booriyay iney afduubka wajiga xirtaan bisha dambe.

Dhanka kale saraakiisha magaalada Oklahoma ayaa daneynaya in shacabka magaalada lagu khasbo xirashada maaskarada iyadoo guud ahaan gobolka intiisa kale lagu amrin maaskarada.

Tiro gobolada Mareykanka ah ayaa waxaa sare ukac ku yimi tirada dadka uu soo ridanaya fayraska corona.

Haatan tirada guud ee uu ku dhacay fayraska dalkaasi Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 3.6 milyan oo qof , halka dhimashaduna ay ka sare martay 139,000 taasi oo Mareykanka ka dhigeyso dalka u dhimashada badan dunida oo dhan.

Dr Anthony Fauci
Qoraalka sawirka,

Dr Anthony Fauci

Dhinaca kale malaayiin caruur reer Mareykan ah ayaanan sannad dugsiyeedkan dib ugu laaban doonin iskuulada iyadoo dallaaca fayraska corona uu sare u sii kacaya.

Labada gobol ee ugu dadka badan Mareykanka waa California iyo Texase, in ka badan 7 milyan oo caruur ah oo ku tiirsan waxbashada iskuulada dowladda ayaanan toddobaadyada soo socda dib ugu noqon doonin waxbarshadoodii.

Gobolka Texas ayaa qorsheeynaya in ilaa bisha Nofeembar ardayda la siiyo casharada dhanka online-ka ah.