Muxuu yahay ninka soo qabashadiisa loo howlgeliyey booliska tirada badan?

0
Saturday July 18, 2020 - 09:00:54 in by salman abdi
  • Visits: 340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu yahay ninka soo qabashadiisa loo howlgeliyey booliska tirada badan?

    Muxuu yahay ninka soo qabashadiisa loo howlgeliyey booliska tirada badan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu yahay ninka soo qabashadiisa loo howlgeliyey booliska tirada badan?

Booliska dalka Jarmalka ayaa xiray nin la magacbaxay 'Rambo' oo ay muddo shan maalmood ah ka baadi goobayeen dhul keymo ah.

Yves Rauchm oo ay da'diisu 31 jir tahay ayaa ku dhuumaaleysanayey keymaha Oppeanau oo ku yaalla galbeedka dalka Jarmalka, kaddib marki uu Axaddi afar askari oo boolis ah weerar ku soo qaaday bistooladihi ay siteenna uu ka uruursaday.

Soo qabashada ninkaasina waxaa loo howlgeliyey boolis tiro badan oo ay wehliyaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka iyo eeyda wax urisa uu boolisku adeegsado.

Booliska waxay sheegeen iney howlgalkan ay ka qayb qaateen 2,530 askari.

Ninkan falkaasi looga shakisan yahay ayaa keymaha ku dhuumaaleysanayey isaga oo hub sitay booliskana la dagaallamay, ayuu yiri taliyaha booliska ee gobolkaasi Jureger Riger oo warfidiyeennada u warramay.

Mr Rausch ayey boolisku soo qabteen isaga oo dhawaac ah kaddibna waxaa loo qaaday isbitaal si dhaawaciisa loogu dabiibo.

Soo qabashada ninkaasina waxaa booliska gacan ka siiyey oo xog la wadaagay nin waraaqaha boostada dadka u qaybiya.

Aad ayaan u faraxsanahay, maadaamaa la soo afjaray xaaladdi soo wajahday magaaladeenna yar, ayuu yiri Maayar Uwe Gaiser oo u warramay wakaaladda wararka ee AP.

Yves Rausch waxaa lagu qabtay guri ku yaalla meel ku dhaw keynta Oppenau
Qoraalka sawirka,

Yves Rausch waxaa lagu qabtay guri ku yaalla meel ku dhaw keynta Oppenau

Siduu ku billaawday iskudhaca booliska iyo ninkan dhexmaray?

Booliska ayaa marka hore lagu soo wergeliyey inuu jiro nin looga shakiyey inuu isdaldalo uu ku sugan yahay keyn ku dhaw Oppenau.

Booliski marka ay goobta tageenna waxay la kulmeen Mr Rauch oo keynta ku sugan, ninka laga shakisan yahay ee ay booliska soo qabteenna marki hore wuxuu iska dhigay nin diyaar u ah inuu amarka booliska u hoggaansamo wuuna iisu jilciyey, isaga oo marki dambe bistoolad la soo baxay afar askarina hubki ay siteen ka uruursaday.

Mr Rauch marka uu falkaasi sameeynayey wuxuu xirnaa tuuta ciidan oo qafilan oo la mid ah kan ay dadka buuraha fuula xirtaan.

Warbaahinta oo ninkan ugu yeertay naaneysta ah 'Rambo' wuxuu ka qaatay filinki lagu matalayey dagaalkii dhexmaray Vietnam iyo Mareykanka oo ay Hollywood sameysay.

Maxaynu ka naqaannaa 'Rambo'

Booliska waxay sheegeen ninkan inuu muddo dheer uu ku noolaa magaalada Oppeanau, aqoon durugsanna uu u lahaa keynta magaaladaasi ku dhaw.

Booliska Jarmalka ayaa shaaciyey sawirka ninka howlgalkan lagu soo qabtay
Qoraalka sawirka,

Booliska Jarmalka ayaa shaaciyey sawirka ninka howlgalkan lagu soo qabtay

Hooyadii waxay sheegtay gurigi uu kirada uu ku degganaa in sanadki hore laga saaray. Balse hooyadu ma aysan sheegin halka uu wiilkeeda ku noolaa marki uu gurigi uu degganaa laga saaray iyo ilaa uu booliska weerarka u geysto.

Hooyadii waxay intaa ku dartay, inuu muddo kooban uu ku noolaa guri ay eeddadii leedahay ka hor inta uu billaabiin inuu keynta uu ku noolaado.

"Wuxuuna iisu arkayey nin si dabeeci ah ku nool oo xor ah kaddibna billaabay keynta inuu ku noolaado" ayey tiri.

keynta inta uu ku noolaana wuxuu soo saaranayey khudaarta uu cuno, isaga oo sida oo kale qoryo iyo xaabo uu keyntaasi ka soo guro iibin jiray.

Hooyadii waxay sheegysaa 8-ddii bishi July iney kula kulantay goob lagu qaxweeyo markaasina uu ula muuqday "qof caadi ah".

Toban sana ka horna ninkan wuxuu galay faldambiyeed iyada oo maxkamad ay ku ridday xukun seddex sana ah marki lagu soo eedeeyey inuu haweeney uu xabbadeeyey.

Sanadki tagay, waxaa lagu arkay isaga oo sita sawirro carruur qaaqaawan ay ku jiraan, isla-markaana baaritaan ku sameeyey haysashada waxyaabaha qarxa.