Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Maraykanka oo ballanqaaday inuu qaadayo xayiraada saaran Muslimiinta ay Soomaalidu ku jirto

0
Tuesday July 21, 2020 - 10:36:21 in by salman abdi
  • Visits: 358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Maraykanka oo ballanqaaday inuu qaadayo xayiraada saaran Muslimiinta ay Soomaalidu ku jirto

    Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Maraykanka oo ballanqaaday inuu qaadayo xayiraada saaran Muslimiinta ay Soomaalidu ku jirto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Maraykanka oo ballanqaaday inuu qaadayo xayiraada saaran Muslimiinta ay Soomaalidu ku jirto Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka ee Joe Biden. ayaa ku booriyay Muslimiinta Mareykanka inay codeeyaan, isagoo ku tilmaamay wax aan loo dulqaadan Karin islaam nacaybka Trump.

 
Joe Biden wuxuu wacad ku maray in haddii loo doorto madaxweynaha inuu soo afjari doono xayiraadda safarka muslimiinta maalintiisii ugu horeysa ee xafiiska.

Isaga oo ka hadlayey shir ay soo qabanqaabiyeen Gudiga waxqabadka siyaasadeed ee muslimiinta, wuxuu u sheegay wufuudda iyo xubnaha dhagaystayaasha in muslimiinta Mareykanka codkooda ay muhiim u yihiin doorashada madaxtinimada ee November.

"Bulshooyinka muslimiinta waxay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee dareemayay weerarkii Donald Trump ee bulshooyinka madow ee dalkan iyadoo laga mamnuucay xoriyada safarka," ayuu yiri Biden.

Mid ka mid ah ficillada ugu horeeya ee madaxweyne Trump uu sameeyay sanadkii 2017 wuxuu ahaa inuu saxeexo amar fulineed oo xaddidaya safarka ka imanaya toddobo dal oo muslimiin ah oo kala ah, Iran, Iraq, Libya, Somalia, Sudan, Syria iyo Yemen.