Sacuudiga oo karantiil galiyay dhammaan dadka sannadkaan Xajinaya

0
Tuesday July 21, 2020 - 10:48:42 in by salman abdi
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo karantiil galiyay dhammaan dadka sannadkaan Xajinaya

    Sacuudiga oo karantiil galiyay dhammaan dadka sannadkaan Xajinaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sacuudiga oo karantiil galiyay dhammaan dadka sannadkaan Xajinaya Xujaajta loo xulay in ay gutaan waajibaadka xajka sanadkan ayaa bilaabay in ay iskarantiilaan muddo 7 cisho ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada dalka Sacuudiga.


Tallaabadan ayaa qayb ka ah dhowr tallaabo oo la qaaday si loo hubiyo badbaadada xujaajta inta lagu guda jiro Xajka, iyadoo laga cabsi qabo faafitaanka cudurka coronavirus.

Dad ka kala socda 160 dal oo kala duwan oo hadda ku nool Boqortooyada ayaa loo xushay inay xajiyaan sanadkaan.

Tirada guud ee xujeyda ayaa si weyn hoos loogu dhigay si loo hubiyo in la raaco talaabooyinka kala fogaanshaha bulshada.

Xujayda ayaa looga baahan doonaa inay qaataan karantiil labaad marka ay gutaan waajibaadka Xajka.