Hawl-Wadeenada Caafimaadka oo walaac ka muujiyey hoos u dhac ku yimid tallaalkii carruurrta xilliga cudurka Covid-19

0
Friday July 24, 2020 - 10:54:53 in by salman abdi
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hawl-Wadeenada Caafimaadka oo walaac ka muujiyey hoos u dhac ku yimid tallaalkii carruurrta xilliga cudurka Covid-19

    Hawl-Wadeenada Caafimaadka oo walaac ka muujiyey hoos u dhac ku yimid tallaalkii carruurrta xilliga cudurka Covid-19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawl-Wadeenada Caafimaadka oo walaac ka muujiyey hoos u dhac ku yimid tallaalkii carruurrta xilliga cudurka Covid-19

Hawl-Wadeenada daryeelka caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaa walaac ka muujiyey hoos u dhac yimid tallaalkaii caruurta xilli adduunka uu la wareersanyahay cudurka dilaaga ah ee Covid-19. Carruurta oo si joogta ah tallaalkooda u qaato ah u qaato tallaalkooda wuxuu ka hor-istaaga cuduro badan.

 

 
Waaxada Caafimaadka ee gobolka Minnesto warbixin ay soo saartay ayeey shaaca uga qaaday in uu aad hoos ugu dhacay tallaalka carruurta gaar ahaan carruurta ay da’doodu ka yartahay labo (2) sanno. Xogtaan oo laga soo arruurisay cudurada JADIICADA iyo QAAMO-QASHIIRKA,  mudadii u dhexeysay sannadkii 2019 ilaa iyo 2020.

 

Tiro-koobkan la sameeyey ayaa wuxuu muujinayaa in 70% (boqolkiiba todbaatan) uu hoos dhacay tallaalka carruurta gobolka Minnesota marka la bar-bar dhigo sannadkii tagay.

Xayiraadda la xiriirta cudurka COVID-19 oo ay ka midtahay kala fogaanshaha iyo guryaha oo la joogo ayaa sabab u ah in uu aad u yaraado tallaaliddii carruurta ku nool gobolka Minnesota iyo guud ahaan caalamka oo dhan.

Hay’adaha qaramada midoobi (QM) ee WHO iyo UNICEF ayaa sidoo kale ka digay in horumarkii laga gaaray tallaalada caruurta uu dib u dhac ku yimaado gaar ahaan waddamada soo koraayo oo si weyn ugu baahan tallaalka carruurta.

Waaxadda Caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaa waxay ku dhiiri-galineysaa hawl-wadeenada caafimaadka in fiiro-gaar ah siiyaan carruurta dhallatka ah.

Haddii aad haysato dhallaan una baahantahay tallaal, waxaa laguugu boorinayaa inaad la xiriirto dhaqtarkaaga si aad u hesho fursadda ugu haboon aad ku tallaali karto dhallaankaaga.

Ayada uu xilligii Jiilaalka (Winter) uu soo dhawyahay, ayeey dhaqaatiirta mar kale ka digayaan in dhibaato xoog leh dhicidoonto haddii carruurtu gafaan tallaaladii loogu tala-galay.