Xiisad Hirleh Oo ka soo dhex cusboonaatay Turkiga iyo Gariiga+Arimaha La Isku Maan Dhaafay.

0
Friday July 24, 2020 - 11:01:18 in by salman abdi
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad Hirleh Oo ka soo dhex cusboonaatay Turkiga iyo Gariiga+Arimaha La Isku Maan Dhaafay.

    Xiisad Hirleh Oo ka soo dhex cusboonaatay Turkiga iyo Gariiga+Arimaha La Isku Maan Dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisad Hirleh Oo ka soo dhex cusboonaatay Turkiga iyo Gariiga+Arimaha La Isku Maan Dhaafay.

Xukuumadda Gariiga ayaa waxa ay soo saartay digniin ka dib markii ay dowoladda Turkiga ku dhawaaqday in ay Markab u dirayso biyaha meel u dhaw xebta Gariiga ee dhanka Koonfureed.

Turkiga ayaa waxay dhankooda sheegeen in markabkan oo ku sugnaan doono biyaha Turkiga.

Dhanka kale xildhibaano ka tirsan baarlamaanka midowga Yurub ayaa waxay dalbadeen in cunaqabatayn lagu soo rogo dalka Turkiga.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay dhaqdhaqaaqyo militari ka sameeyeen dhanka badda gaar ahaan goobta lagu magacabo Al-Mitous, oo u dalka Gariiga.

Madaxa baarlamaanka Midowga Yurub ayaa sheegay in la joogo xilligii cunaqabatayn lagu soo rogi lahaa dalka Turkiga.

Markab ah nooca shidaalka qoda oo laga leeyahay Turkiga
Qoraalka sawirka,

Markab ah nooca shidaalka qoda oo laga leeyahay Turkiga

Siyaasiga dhanka midig Manfred Weber ayaa ka sheegay kalfadhiga baarlamaanka ee magaalada Brussels in midowga looga baahan yahay in ay diraan fariin muujinaysa in ay garab taagan yihiin muwaadiniintooda Gariiga iyo Qubrus.

Baarlamaanka midowga ayaa waxa ay farta ku fiiqeen in dhaqdhaqaaqyada ay ciidamada Turkiga ka samaynayaan xeebaha ay u muuqato mid ay isugu diyaarinayaan in ay shidaal ka soo saaraan jasiirada Rhodes ee ku taalla bariga Gariiga.

Dalalka Turkiga ayaa waxaa ay ku maransan yihiin gobolka lagu magacaabo Aegean Sea.