Aayaa Soofiya oo dhawaan loo baddalay masaajid oo maanta markii ugu horreysay lagu tukanayo salaad jamaaca ah
Waxaa maanta markii ugu horraysay muddo 86 sano ah salaad jamaaco ah lagu oogayaa masaajidka taariikhiga ah ee Aayaa Soofiya ee magaalada Istanbul oo ahaan jiray matxaf, haatan se maxkamadda dalka Turkigu burisay qaraakii waagaa matxafka lagaga dhigay.
Arrintan ayaa ay aad ugu riyaaqeen shacabka dalkaas badankooda iyo Muslimiinta dunidu. furitaanka masaajidka waxa kale oo dheer in maanta oo 24 July ah oo si ula kac ah loogu beegay furitaanku ay tahay maalin taariikh gaara u leh Turkiga.
"Muslimiinta wey faraxsan yihiin, qofkasta wuxuu doonayaa inuu ka qeyb galo furitaankaā€¯ waxaa sidaas yiri barasaabka Istanbul, Cali Yerlikaya.
Madaxweyanaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in dhismahan qaddiimiga ah ee loo baddalay masaajidka si rasmi ah maanta loogu tukan doono salaadda jimacaha.