Baarlamanka Soomaaliya Oo Kalsoonidii Kala Noqday Ra'iisul wasaare Khayre

0
Saturday July 25, 2020 - 13:22:18 in by salman abdi
  • Visits: 402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamanka Soomaaliya Oo Kalsoonidii Kala Noqday Ra'iisul wasaare Khayre

    Baarlamanka Soomaaliya Oo Kalsoonidii Kala Noqday Ra'iisul wasaare Khayre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamanka Soomaaliya Oo Kalsoonidii Kala Noqday Ra'iisul wasaare Khayre
Baarlamanka Soomaaliya ayaa kalsoonidii kala noqday ra'iisal wasaare Kheyre iyo xukuumaddiisa, sida uu hadda sheegey Guddooomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.



170 Xildhibaan ayaa u codaysay in xilka laga xayuubiyo ra'iisal wasaaraha, waxa diidday 8 mudane. Goluhu waxay xukuumadda Kheyre ku eedeeyeen in ay dalka gaadhsiin wayday doorasho qof iyo cod ah, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo goor dhow soo xiray kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday ra’iisul wasaraaha Somalia, Xasan Cali Khayre.


DG DEG: Guddoomiye Mursal oo shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday Ra’iisul wasaare Khayre


Mursal oo hadlay kadib buuq hareeyey kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay inay xukuumadda kalsoonida kala noqddeen illaa 170 mudane, ayna diideen siddeed xildhibaan, isaga oo tilmaamay in aysan jirin cid ka aamusta, Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, si loo dardar-geliyo howlgaha laga sugayo xukuumadda Soomaaliya.



Sidoo kale wuxuu goobta uga dhawaaqay guddoomiye Mursal magacyada xildhibaanada maanta sameeyey buuqa, kuwaas oo kala ah:- wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiir ku xigeenka warfaafinta, Aadan Isxaaq, Xildhibaan Dhuxulow, ildhibaan Xuseen Iidow, iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiid Ismaan Daallo, sida uu kulanka ka hor sheegay guddoomiye, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.