Gudaha:Ma Dhabaa In Khilaaf Soo Kale Dhexgalay Mas'uuliyiinta Madaxtooyadda Somaliland Iyo Afhayeenkii Madaxweyne Muuse Biixi??
Gudaha:Ma Dhabaa In Khilaaf Soo Kale Dhexgalay Mas'uuliyiinta Madaxtooyadda Somaliland Iyo Afhayeenkii Madaxweyne Muuse Biixi?? Warar soo baxaya ayaa sheegay in aanu muddooyinkii ugu dambeeyey fooda
soo gelin qasriga Madaxtooyadda Somaliland iyo goobtiisa shaqo Afhayeenkii
Madaxtooyadda Maxamuud Warsame Jamaac, kaasi oo aan safar dabadeed
ku maqnay, balse dalka ku sugan .
Arrintan ayaa la sheegay in ay tahay mid ka dhalatay khilaaf hoose oo
muddooyinkii u dambeeyey u dhexeeyey Afhayeenka Madaxtooyadda iyo
Masuuliyiinta Qasrigaas, kaas oo gaadhay heerkii ugu sareeyey, isla
markaana sababay in aanu albaabka Madaxtooyadda soo gelin muddo dhawr
bilood ah Afhayeen Warsame, kaas oo aan lagu arag goobtiisa shaqo ee uu
awal sida joogtada ah u tegi jiray.
Dhanka kalena Afhayeen Maxamuud Warsame ayaa muddooyinkii ugu
dambeeyey aan ka dhex muuqan kulamada mihiimka ah ee Qasriga
Madaxtooyadda ka dhaca, isagoo aan sidoo kalena kasoo muuqan
shaashadaha warbaahinta aqalka looga taliyo dalka, halka uu markii hore ka
dhex muuqan jiray inta badan, haseyeeshee arrintan ayaa muujinaysa inuu jiro
khilaaf hoose oo soo kale dhexgalay isaga iyo masuuliyinta Madaxtooyadda
Somaliland, kaas oo kale irdheeyey masuuliyiintaa sida joogtada ah u wada
shaqayn jirtay saacad walba.
Geesta kalene Afhayeen Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa la sheegay inuu
muddooyinkii ugu dambeeyey uu ku sugnaa Magaalada Ceerigaabo, halkaas
oo uu kullamo kula lahaa Beeshiisa, kuwaas oo uu kaga xodxodanayey inay u
codeeyaan Musharaxnimada Golaha Wakiilada ee gobolka Sanaag oo uu u
tartami doono doorshada fooda inagu soo haysa ee Aqalka Wakiilada,
Si kastaba haahaatee Afhayeenkii Madaxweynaha Somaliland ayaa muddo
dhawr bilood ah aan lagu arag Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, kaas oo
aan xataa ka soo xadirin kulamada mihiimka ah ee ka dhaca qasrigaas,
waxaana la sheegay inuu jiro khilaaf soo kale dhaxgalay isaga iyo
Masuuliyiinta kale ee Madaxtooyadda, haseyeeshee ma jiro illaa hadda wax
war ah oo amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay Qasriga Madaxweynaha
Somaliland, marka laga tago xogahaas, balse waxaynu dhawrnaa halka a
Gudaha:Ma Dhabaa In Khilaaf Soo Kale Dhexgalay Mas'uuliyiinta Madaxtooyadda Somaliland Iyo Afhayeenkii Madaxweyne Muuse Biixi??
Gudaha:Ma Dhabaa In Khilaaf Soo Kale Dhexgalay Mas'uuliyiinta Madaxtooyadda Somaliland Iyo Afhayeenkii Madaxweyne Muuse Biixi??