Gudaha:Doorasho Lagu Heshii Mase Muuqato. Waayo? Waayadeed W/Q Cali Gura

0
Monday July 27, 2020 - 13:29:40 in by
  • Visits: 337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:Doorasho Lagu Heshii Mase Muuqato. Waayo? Waayadeed W/Q Cali Gura

    Gudaha:Doorasho Lagu Heshii Mase Muuqato. Waayo? Waayadeed W/Q Cali Gura

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:Doorasho Lagu Heshii Mase Muuqato. Waayo? Waayadeed W/Q Cali Gura doorashado aan la kala qaadin ee mar la wada qabto. Kulmiye doorashadu inay ka go’an tahay iyo in kale waxay ku xidhan tahay hadba mawqifka Madaxwaynaha oo isagu ah Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ay isaga ku xidhan tahay dhamaystirka Xeerka Doorashada Baarlamanka. Golaha Wakiilada oo uu ku xidhan yahay go’aanka in doorashada lagu galo sidii hore ee lagu doortay golahan oo hadda fadhiyay 15 sanadood 54 xildhibaanna ay ka tirsan yihiin xisbiga Madaxwaynaha ee Kulmiye. Laakiin waxa muuqata in xildhibaanada aqalka Wakiiladu aanay diyaar u ahayn in ay wa­ka­bedel ku sameeyaan xeerka si loogu geli karo doorashada, heshiiskii xisbiyadana loo dhaqangeliyo. Hadii hadaba ay jirto in Madaxwaynuhu soo jeedintiisii u gudbiyay Wakiilada kana codsaday in ay ansixiyaan wax­bedelka loo baahan yahay dabcan waxay ahayd in mudnaanta koowaad la siiyo oo markiiba ajandaha qodobka ugu horeeya uu noqdo. Wakiiladu marka ay ka doodaan waxay ahayd in ay cod u qaadaan oo ama ay ansixiyeen uu gudbo ama diidaan dibna ugu celiyaan Madaxwaynaha. Taas oo markaa waxa keliya ee Madaxwaynaha u furan, hadii ay doorasho ka go’an tahay ay noqon lahayd Maxkamadda Sare in uu u gudbiyo. Nasiib darro taasi may dhicin ilaa hadda. Marka ay intaasi jirto heshiiska xisbiyadu wax ahmiyada ah ma yeelanayo waayo kaalin kuma laha dhamaystirka xeerka doorashada, hadiiba ay ku leeyihiin waxa u furanayd inay ka hawl galaan xildhibaanada ka soo kala jeeda labada xisbi ee Kulmiye iyo WADDANI oo ay ku qanciyaan xubnahooda in ay u codeeyaan wax­kabedelka xeerka. Marka aynu eegno sida wax loo wado doorasho iska daa sanadkan eh 2021ka in ay qabsoomi karto weli su’aal baa saaran waayo mawqifka Madaxwaynaha laftiisa ayaad moodaa in aanu weli cadayn in uu daacad ka yahay kana go’an tahay in sidii ay sadexda xisbi ku heshiiyeen doorashadu ku qabsoonto sanadkan oo ay ka hadhsan yihiin shan bilood oo keli ahi. Markaa in la yidhaa Madaxwayne is­cadee saw gar noqon mayso. Caligu