Xisbiga WADDANI Oo Ka Dayriyay Xaaladda Dhaqaale, Ganacsi Iyo Nololeed Ee Gobolka Togdheer.

0
Tuesday July 28, 2020 - 17:28:18 in by salman abdi
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADDANI Oo Ka Dayriyay Xaaladda Dhaqaale, Ganacsi Iyo Nololeed Ee Gobolka Togdheer.

    Xisbiga WADDANI Oo Ka Dayriyay Xaaladda Dhaqaale, Ganacsi Iyo Nololeed Ee Gobolka Togdheer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga WADDANI Oo Ka Dayriyay Xaaladda Dhaqaale, Ganacsi Iyo Nololeed Ee Gobolka Togdheer.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka dayriyay xaaladda dhaqaale iyo adeeg la’aan dawladeed ee Gobolka Togdheer oo uu sheegay in ay saamayn xun ku yeelatay xaaladda cudurka Karoona iyo adeeg la’aan dhinaca dawladda ah isaga oo sheegay in meheradihii Ganacsiga ee Magaalada Burco ay haawanayaan oo wada kaceen halka sayladdii xoolaha ee Magaalada Burco oo wakhtigan oo kale dalka dhaqaalihiisa kor u qaadi jirtay gaar ahaan Togdheer ay maanta tahay mid aan waxba lagu kala iibsanayn, xaaladahaasi oo dhulka galiyay noloshii shacabka halka uu sidoo kale dhaliillo xooggan u soo jeediyay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo uu sheegay Xisbigu in ay ku fashilan tahay hawlo badan oo umaddu ka sugaysay.



Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Maxamed Faarax Cabdi oo dorraad Magaalada Burco kula hadlay warfidiyeennada ayaa waxa uu sheegay in ku dhawaad 13 Degmo oo Gobolka Togdheer ah ay ka wada fadhiyaan dhammaan gaadiidkii ciidamada Boolisku taasina amniga hoos u dhac weyn ku keeni karto arrinkaasi oo xisbigu ku eedeeyey masuuliyaddiisa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed.


Xoghaye Maxamed Faarax oo Arrimahaa iyo kuwo kale ka hadlayaa waxa uu yidhi: "13 Degmo oo tirsan Gobolka Togdheer waxa nasiib darro ah in gaadiidkii Booliska ee ka hawl galayay dhammaantood ay fadhiyaan oo aanay shaqayn taasina tahay arrin nasiib darro ah. Waxa ceeb iyo fool xumo innagu ah in innaga oo wasaaradda Intaa le’eg haysanna oo dhaqaalaha intaa le’eg la galiyo oo amnigii dalka oo dhanna ay masuul ka tahay in Gobolkii Togdheer degmooyinkiisii ay gaadiidkiisii u fadhiyaan dhaqaale la’aan. Ceeb weyn ayay ku tahay waana fashil weyn oo dul hoganaya. Waxaana arrinkaa ka masuul ah Wasiirka Arrimaha Gudaha. Waxa aanu xisbi ahaan qabnaa in Wasiir Maxamed Kaahin Axmed uu ku fashilmay wasaaraddii Arrimaha Gudaha. Sababtu waxa weeyaan, gobol kasta oo aad tagto waxa yaalla dayacaad weyn oo dhinaca gaadiidka booliska ah”.


Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Somaliland Ku Dhaliilay Joojin La ...

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Maxamed Faarax Cabdi oo ka hadlaya xaaladda dhaqaale ee Gobolka Togdheer oo aad u liidataa waxa uu yidhi: "Gobolka Togdheer waxa saameeyey xanuunkii Koroona Fayras. Waxaanu soo indho indhaynay suuqyada waaweyn ee magaalada Burco. Huteelladii waaweynaa ee Magaalada Burco way xidhan yihiin. Sayladdii way fadhidaa Iyana oo dhibaato weyn baa soo gaadhay. Xilligan carrafadii ayay ahayd oo waxaa la kala iibsan jiray xoolaha oo la dhoofin jiray. Waxa ay ahayd Sayladda ugu weyn dalka maantana way haawanaysaa. Sayladdu waxa ay dakhli badan soo galin jirtay magaalada iyo guud ahaan gobolka taasina maanta ma jirto. Gobolka Togdheer dawladdii dhexe kab kamuu helin. Kab lagu kabo meheradahaasi kacaya. Lacagtii loo qorsheeyey Koroona Fayras ee loogu tala galay in meheradaha yaryar dib loogu soo kabo malaayiinkii Doollar ee Dalka loo qorsheeyey waxba kama ay soo gaadhin. Hargeysa ayay soo dhaafi la’dahay. Guddidii Karoonaha ayay soo dhaafi la’dahay. Gobolka Togdheer waxa uu guddidaasi uga fadhiyaa Burco miyaanay ka mid ahayn dalka Somaliland ee lacagaha loo ururiyay. Madaweynaha waxaa loo soo jeedinayaa oo aannu ugu baaqaynaa in Gobolka Togdheer uu aad uga hadhsan yahay Gobolada intiisa kale oo uu dib uga dhacsan yahay adeeggii uu dawladda uga baahnaa” ayuu yidhi xoghaye Maxamed.