Askari katirsan Puntland oo dad shacab ah ku dhaawacay Garowe

0
Tuesday July 28, 2020 - 17:56:59 in by salman abdi
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari katirsan Puntland oo dad shacab ah ku dhaawacay Garowe

    Askari katirsan Puntland oo dad shacab ah ku dhaawacay Garowe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari katirsan Puntland oo dad shacab ah ku dhaawacay Garowe Saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay markii askari katirsan ciiddanka amniga Puntland uu rasaas ku furay dad shacab ah oo ka mudaharadaayay sare ukaca dollarka iyo maciishadaha.

 
 
Dadkaan ayaa iskugusoo baxay fagaaraha barxadda Gowe waxayna doonayeen inay dareenkooda ku muujiyaan, balse ciiddanka amniga ayaa rasaas ku kala eryay, taaso keentay rasaastii uu furay mid kamid ah askartu ay haleeshay saddex haween ah.

Dadweyne ka caraysan falkaan ayaa kadib is hor dhoobay xarunta saldhigga dhex ee Garowe, iyagoo dalbaday in lasoo xiro askariga rasaasta ku furay shacabka lana marsiiyo cadaalada waxay ka qabto.

Puntland, sarifka dollarka ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay abid. Halkii dollar ayaa lagu sarifayaa in ka badan 40,000 shilin Soomaali ah, sidoo kale boqolkii dolar ayaa lagu sarifayaa afar malyuun iyo dheeraaad.

Markii uu talada Puntland la wareegay madaxweyne Deni wuxuu dollarka marayay 36kun oo shilin Somali ah. Dadku waxay filayeen in isbedel uu imaandoono. Balse sare u kaca dollarka ayaa weli kor u socda.

Sare u kacaan, waxaa loo aaneeynayaa lacago shilin Soomaaliga oo maamulkii hore uu daabacday, taasoo keentay sicir barar xoogan.