Dawladda Itoobiya Oo Si Deg-deg Ah U Soo Magacaabaysa Wakiilkeedii Hargeysa

0
Wednesday July 29, 2020 - 09:42:18 in by salman abdi
  • Visits: 329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Itoobiya Oo Si Deg-deg Ah U Soo Magacaabaysa Wakiilkeedii Hargeysa

    Dawladda Itoobiya Oo Si Deg-deg Ah U Soo Magacaabaysa Wakiilkeedii Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Itoobiya Oo Si Deg-deg Ah U Soo Magacaabaysa Wakiilkeedii Hargeysa

Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa si Deg-deg ah u soo Magacaabaysa Wakiilkii u fadhiyey Magaalada Hargeysa, ka dib markii la beddelay Diblumaasigii hore.

Ma Jiro war ka soo baxay Dawladda Itoobiya oo la xidhiidha arrintan, balse ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyey in Weftigii uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda Federaalka Itoobiya Axmed Shide ee dhawaan Booqashada ku yimid Somaliland ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u sheegeen in si deg-deg ah loo soo Magacaabayo Wakiilkii Itoobiya u fadhiyey Hargeysa.

Waxa kale oo Weftiga Itoobiya ay Madaxweynaha Somaliland u sheegeen in kor loo qaadayo Derajada Xafiiska Itoobiya ee Magaalada Hargeysa.

Weftigii uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda ee Itoobiya Mr. Axmed Shide ayaa Hargeysa u yimid arrimo la xidhiidha Xiisadda ka taagan Biyo-xidheenka Itoobiya ka samaysay Webiga Niil, waxayna weftiga Itoobiya ee laga soo xigtay in la soo Magacaabayo Safiirkoodii Hargeysa, ay daba socdeen Wefti ka socday Dawladda Masar, kuwaasi oo Maalmo ka hor booqasho ku yimid Somaliland.

Dawladaha Itoobiya iyo Masar ayaa ku muransan biyo-xidheen saamaynaya qulqulka Webiga Niil oo ay Itoobiya hirgelisay, waxaana socda hirdan diblumaasiyadeed oo ay ku kala jiidanayaan Somaliland, wallow aanay caddayn halka arrintu Sal-dhigan doonto.

Ugu dambayn, Dawladda Itoobiya Safiirkoodii hore ee Somaliland Amb Shamsudiin Axmed Rooble beddeshay bishii bishii August ee kal hore, illaa xilligana Dawladda Itoobiya Qof Safiir ahi uma joogo Somaliland, balse waxa si wanaagsan u shaqeeya Xafiiska.