Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay khasaare nafeed oo ka dhashay roobab dabeylo wata oo ku dhuftay xeebaha Soomaaliya

0
Wednesday July 29, 2020 - 13:45:24 in by salman abdi
  • Visits: 334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay khasaare nafeed oo ka dhashay roobab dabeylo wata oo ku dhuftay xeebaha Soomaaliya

    Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay khasaare nafeed oo ka dhashay roobab dabeylo wata oo ku dhuftay xeebaha Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay khasaare nafeed oo ka dhashay roobab dabeylo wata oo ku dhuftay xeebaha Soomaaliya Wasaaradda arrimaha gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee dowladda Soomaaliya, ayaa shaacisay khasaare nafeed oo ka dhashay Roobab dabeylo watay oo ku dhuftay xeebaha koonfureed ee Soomaaliya.


Wasiirka wasaaraddaas Xamsa Siciid Xamsa ayaa sheegay in Doon ay saarnaayeen 19 qof oo shil ku gashay badda ay sababtay geerida hal qof, saddex dhaawac ah iyo 6 kale oo lala yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in saddex dhalinyaro oo kale ay ku dhinteen xeebta Liido, iyadoo baddu la tagtay.

Arrimahan ayaa dhacay iyadoo dowladdu digniin ka bixisay Qatar ka dhalan karta roobab iyo dabeylo iswata oo ku dhuftay xeebaha koonfureed ee Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in cimiladu sheegayso in roobab culus oo dabaylo sita ay kusoo wajahan yihiin qeybo kamid ah dalka, isagoo dadka kula taliyay inay ka feejignaadaan.

Roobabkaas ayaa xalay laga dareemay gobolada dhexe ee Soomaaliya, iyadoo lagu jiro xilli xagaa ah.