Milkiile Warbaahineed oo loo magacaabay la taliyaha madaxweyne Farmaajo

0
Thursday July 30, 2020 - 17:40:26 in by salman abdi
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milkiile Warbaahineed oo loo magacaabay la taliyaha madaxweyne Farmaajo

    Milkiile Warbaahineed oo loo magacaabay la taliyaha madaxweyne Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milkiile Warbaahineed oo loo magacaabay la taliyaha madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa la taliyahiisa dhinaca doorashooyinka u magacaabay  Cabdi Cali Raage oo ah milkiilaha Idaacadda Sooyaal oo ku taalla magaalada Kismaayo, sidoo kalena ah siyaasi saameyn togan ku dhex lahaa maamulka Jubbaland , horayna mar usoo noqday mid kamid ah la taliyayaasha madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.


Waxa uu madaxweynaha kala talin doonaa arrimaha doorashooyinka dalka oo ah waxa hadda sida weyn looga hadal hayo Soomaaliya, loona baahanyahay in waqtiga u haray madaxweyne Farmaajo si weyn diiradda loo saaro.

Sida lagu qoray bogga raadiyaha Dalsan ee Muqdisho Cabdi Cali Raage ayaa waxa uu horay ugasoo shaqeeyay doorashooyinkii dadbanaa ee ka dhacay Soomaaliya sanadkii dhammaadkii sanadkii 2016-kii.

Cabdi Cali Raage ayaa waxaa horyaalla shaqooyin ay ka mid tahay ka tala siinta madaxweyne Farmaajo arrimaha doorashada dalka oo hadda aan weli la isla qaadan hannaanka ay noqoneyso.