Koob lagu Xusaayay Sanadguuradii 21aad ee ka soo Wareegtay Aaasaaskii Ciidanka Booliiska oo Lagu Qabtay Burco iyo laba kooxood oo foodda isku daray

0
Tuesday November 04, 2014 - 09:52:27 in by salman abdi
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koob lagu Xusaayay Sanadguuradii 21aad ee ka soo Wareegtay Aaasaaskii Ciidanka Booliiska oo Lagu Qabtay Burco iyo laba kooxood oo foodda isku daray

    Ciyaar Aad uxiiso badan oo lagu xusaayay sanadguuradii 21aad ee kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka Booliiska Somaliland ayaa Galabnimadii qabsoontay Garoonka ALAMZEY Stadium ee magaalada Burco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaar Aad uxiiso badan oo lagu xusaayay sanadguuradii 21aad ee kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka Booliiska Somaliland ayaa Galabnimadii qabsoontay Garoonka ALAMZEY Stadium ee magaalada Burco.


Waxaana Xafladaasi Kasoo qaybgalay, masuulyiin isugu jirta Taliyaha Guud Ee Qaybta Booliiska Togdheer, Xildhibaan Mubarak Yuusuf Cilmi Bidhi, Isuduwaha wasaarada Ciyaaraha Gobolka togdheer iyo Masuuliyiin kale.

Furitaanka Koobka Lagu xusaayay sanadguuradii 21aad ee aasaaska ciidanka jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa halkasi ugu horeynba ka hadlay Xoghayaha Ururka Ciyaaraha ee waayo-arag mudane: Beder oo ka warbixiyay kooxaha halkani kuwada ciyaaraya iyo waxay kala yihiin waxaana hadaladiisii kamid ahaa "Waxaan Halkan Ku qabanaynaa Xafladii Koobka ee aanu ugu talogalnay in lagu xuso maalintii La aasaasay ciidanka booliiska 3dii nonmember waxaanu ugu talo galnay inaan koobka dhexdhigno laba kooxood labadaasi kooxood oo kala ah Kooxda GOODIR iyo DAWLADA HOOSE”

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay isuduwaha wasaarada Dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka togdheer mudane:ismaaciil waydaar waxaana hadaladiisii kamid ahaa "Waxaan halkan ku soo dhaweynayaa oo ciyaartan naga saaciday Xildhibaan Mubarak. Waxaan halkan ka dhici doona hadii ilaahay idmo bishan 15keeda koobkii ciyaaraha heerka koowaad ayaanu furaynaa oo uu gacan weyn naga siiyay xildhibaan Mubarak oo marwalba na garab taagan hadaanu nahay bahda ciyaaraha gobolka togdheer”

Xildhibaan Mubarak Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa ubalanqaaday dhalinyarada inay ka dawlad hoose ahaan marwalba garabtaagan yihiin isagoo xildhibaanku sheegay inuu dhalinyarada ciyaaraysa ka saacidi doono qalabka ciyaaraha waqtiga ay furmaan koob ciyaaraha heerka koowaad ee fooda inagu soo haya "Hadaanu Dawlada hoose nahay waxaanu balanqaadaynaa inaanu kala shaqeyno wasaarada sportska iyo ciyaaraha sidii loo kobcinlahaa ciyaaraha. Waxaan halkan isuduwaha isla qaadanay oo ka saacidi doonaa horyaalkii naadiyada ee heerka koowaad oo ilaa sideed naadi oo gobolka ahi ku tartami doonaan oo noqon doona mid ku cusub gobolka oo socon doona mudo bil gaadhaysa insha allah”

Waxa munaasibadaasi soo gunaanaday Taliyaha Guud ee qaybta Booliska Gobolka togdheer Gaashaanle:Cabdi muuse(Ganey) Waxaana hadaladiisii kamid ahaa”Koobkan loogu dabaaldegayo sanadguurada Ciidanka booliiska Somaliland Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Xildhibaan Mubarak iyo Masuuliyiin Wasaarada Ciyaaraha gobolka ee koobkani soo qaban qaabiyay”vlcsnap-2014-11-03-21h43m33s135vlcsnap-2014-11-03-21h46m14s214vlcsnap-2014-11-03-21h45m34s78vlcsnap-2014-11-03-21h44m19s92

Ugu Danbaytiina Kooxaha GOODIR eek u ciyaaraysa Magaca Booliiska iyo Kooxda Dawlada hoose ayaa halkaasi ku soo bandhigay ciyaar aad uxiiso leh oo soo jiidatay indhaha dadkii daawanaayay ciyaarta. 

Waxaana Ciyaartaasi ku soo dhamaatay 2 : 0 ay guushu kuraacday kooxda goodir Ee Ku Ciyaaraysay Magaca Booliiska, Waxaana halkaasi koobka ku qaatay kooxda Goodir ee guushu raacday. 



Contact@afkasahcabka.com