Shirweynaha xisbiga Trump ee Jamhuuriga oo aan warbaahintu ka qayb gali doonin

0
Monday August 03, 2020 - 09:19:24 in by salman abdi
  • Visits: 367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynaha xisbiga Trump ee Jamhuuriga oo aan warbaahintu ka qayb gali doonin

    Shirweynaha xisbiga Trump ee Jamhuuriga oo aan warbaahintu ka qayb gali doonin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynaha xisbiga Trump ee Jamhuuriga oo aan warbaahintu ka qayb gali doonin

artanka musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa bishan loo qaban doonaa si gaar ah oo aanay warbaahintu ka qayb galayn.

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa ku warantay in af-hayeen u hadashay shirweynaha xisbiga Jamhuurigu ay arintaa ku sababaysay qawaaniinta caafimaad ee ka hor tagga fayraska korona.

Ergada ka qayb galaysa shirweynaha ayaa isugu tegi doonta gobolka North Carolina oo shirka lagu qabanayo si ay mar labaad musharaxa xisbiga ugu magacaabaan Madaxweyne Donald Trump.


 

Waxaana magaalada Charlotte isugu tegi doona 24 Ogost 336 ergay.

Waxaanay sidoo kale codayn doonaan iyaga oo ka wakiil ah 2500 oo ergay. Trump ayaa haatan ah mushraxa keliya ee u taagan inuu noqdo qofka xisbiga u tarmami doona doorashada soo socota, waxaanay mar labaad magacaabidiisu si rasmi ah u bilaabi doontaa ololihiisa ah in mar labaad loo doorto madaxweynenimada dalkaas.

"Wuxuu xisbigu ku shaqaynayaa oo raacayaa qawaaniinta u yaal gobolkaas iyo talooyinka caafimaad ee ku saabsan tirada dadka madal isugu iman kara" ayay tidhi af-hayeenka shirweynaha u hadashay.

Go'aankani si weyn ayuu wax uga bedelay siyaabihii loo qaban jiray shirweynahaas oo sooyaalkiisu siduu ahaa soo jiidan jiray indhaha warbaahinta si ay fariimaha xisbiga ugu gudbiso shacabka.

Trump ayaa bishii May madasha shirweynaha lagu qabanayo ka dhigay magaalada Jacksonville ee gobolka Florida, ka dib markii badhsaabka gobolka North Carolina ee xisbiga Dimuqraadiga ka tirsani ku adkaystay la yareeyo tirada dadka iskugu imanaya fayraska korona ee jira awgii oo loo baahan yahay in dadku kala durugsanaadaan.

Laakiin markii dambe ayaa Trump ka noqday go'aankiisaa hore ee uu doonayey in Florida lagu qabto shirweynaha isagoo hadana sabab ka dhigay in tirada dadka uu ku dhacay fayraska korona ee gobolkaasi "cirka gaadhay".