War Deg Deg Ah:-Taliye ciidan oo xilkiisii ku waayay xadgudub lagula kacay ilma yar

0
Monday August 03, 2020 - 09:30:15 in by salman abdi
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Taliye ciidan oo xilkiisii ku waayay xadgudub lagula kacay ilma yar

    War Deg Deg Ah:-Taliye ciidan oo xilkiisii ku waayay xadgudub lagula kacay ilma yar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Taliye ciidan oo xilkiisii ku waayay xadgudub lagula kacay ilma yar

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Ciraaq ayaa sheegtay in taliyihii ciidamada dhowrista sharciga, General Saad Khalaf, laga qaaday xilkii, kadib markii ciidamadiisa lagu eedeyay fal dambiyeed lagula kacay ilmo yar oo ku sugnaa gudaha magaalada Baqdaad.

Waxaa sidoo kale la sheegay in xabsiga la dhigay ciidamo lagu tuhmay in ay ku lug lahaayeen falkaas.

Sabtidii la soo dhaafay ayaa baraha bulshada waxaa lagu baahiyay muqaal muujinayay ilmo yar oo aan wax dhar ah xirneyn isla markaana dhulka fadhiya ayna ku wareegsanyihiin ama hareeraha ay ka taaganyihiin rag ku labisan dharka milatariga oo nin ka mid ahaa ragaas uu cunuga yar timaha ka jiidayo.

Ilmaha yar oo ahaa wiil ayaa waxaa ka muuqday cabsi iyadoo qaar ka mid ah ragga ku wareegsanaa ay muqaalo uga duubayeen telefoonnada gacanta.

Muuqaalka ayaa laga maqlayay codka nin weydiinaya cunugga yar hooyadiis, midabkeeda iyo cidda la nool, haddii aabihiis nool yahay iyo hadii kale, ka dibna wuxuu weydiinayaa su'aalo ku saabsan jirka hooyadiis oo aflgaado ah.

Ilmaha waxaa lagu qasbay inuu ka jawaabo su'aalaha aflagaadada ah ee la waydiyay.

Taliyaha waxyaabaha lagu dhaliilay waxaa ka mid ah habacsanaan dhanka hoggaanka ah iyo in aanu wax mas'uuliyad ah iska saarin wax ka qabashada xadgudubka ay gaysteen ciidamada uu hoggaamiyo oo si ula kac ah u sameyay falal ay ka xumaadeen dadka reer Ciraaq.

Raiisul wasaaraha dalka Ciraaq Mustafa Al- Kadimi ayaa sheegay in markii uu arkay hoggaan xumida taliyaha xakameyn la'aanta ciidanka iyo ku tumashada sharciga in uu amaray wasaaradda arrimaha gudaha in ay arrintiisa dib u eegaan.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in ciidamadaa loogu tala galay xoojinta sharciga, dhawrista sharafta aadanaha, iyo la dagaalanka dhammaan waxyaabaha sharci darrada ah, iyo in ay gabbaad u noqodaan kala dambeynta

"Maahan in ay noqdaan aalad loo adeegsado jabinta Sharciga iyo ku xadgudubka muwaadiniinta."ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Muuqaalka wiilka yar ayaa gudaha dalka Ciraaq iyo baraha bulshada ka abuuray caro xoogan iyo hadal hayn,iyadoo dadku sheegeen in ay aad uga naxeen habka ciidamadu ula dhaqmeen ilmaha yar.

Dalka Ciraaq waxaa horey ugu dhacay falal ciidamadu ay kula kaceen dad rayad ah gaarahaan ilmo yaryar waxaana ka dhashay dibaxyo ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka dalkaas,waxaana dadku dalbanayeen in cadaalad ay helaan dadka dhibanayaasha ah .

Raiisul wasaarihii hore Caadil Cabdul-Mahdi, ayaa amar ku bixiyay samaynta ciidamada sharci dhowrista wuxuuna u xilsaaray General Khalaf inuu hogaamiyo bishii Oktoobar ee sanadkii hore, kuna beegan bilowgii dibaxayada waaweyn ay dalkaasi ka aloosmen.