Dalalka Masar Iyo Itoobiya Oo Sare Ugu Qaaday Rajada Aqoonsi Ee Somaliland Iyo Dhaqdhaqaaqyadii Ugu Dambeeyay.

0
Monday August 03, 2020 - 13:01:31 in by salman abdi
  • Visits: 339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka Masar Iyo Itoobiya Oo Sare Ugu Qaaday Rajada Aqoonsi Ee Somaliland Iyo Dhaqdhaqaaqyadii Ugu Dambeeyay.

    Dalalka Masar Iyo Itoobiya Oo Sare Ugu Qaaday Rajada Aqoonsi Ee Somaliland Iyo Dhaqdhaqaaqyadii Ugu Dambeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalalka Masar Iyo Itoobiya Oo Sare Ugu Qaaday Rajada Aqoonsi Ee Somaliland Iyo Dhaqdhaqaaqyadii Ugu Dambeeyay.

Loolanka loogu jiro in la kasbado Somaliland ayaa gaaray meeshii ugu sarreysay, iyadoo Ethiopia ay safiir buuxa u direyso magaaladda Hargeysa, Tani waxay kusoo aadeeysaa, kadib markii ay Masar kor u qaaday qorshaheeda ay saldhig military uga dhisaneyso Somaliland.



Loolaanka waxaa uu u muuqdaa in uu kordhigay xiriir xumaddii u dhaxaysay Ethiopia iyo Masar ee uu sababay webiga Nile. Horaantii todobaadkaan, Ethiopia ayaa uga digtay Masar in ay ka fogaato in ay Saldhig military ka sameysato Somaliland, kaasi oo khatar amni ku ah geeska Africa.




Falcelintaani waxay timid maalmo kadib markii wafdi ka socday Masar ay magaalada Hargeysa kula kulmeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halkaas oo labada dhinac ay uga wadahadleen soo jeedinta Masar ee ah in ay saldhig military ka sameeysato Somaliland.



"Wadan shisheeye ahaan, Masar waxay xaq u leedahay in ay xiriir la sameysato wadan kasta oo ku yaalla gobolka,” ayuu yiri Dina Mufti oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Masar Si kastaba, waxaa uu hadalkiisa ku daray in xiriiradda Masar aan loo aas-aasin dal kale dartiis.


"Hadii joogitaanka Masar ee gobolka ay khatar ku noqoneyso dal seddexaad, taasi ma haboona,” ayuu yiri "Arrintaan, waxaan u baahanahay in aan tusaale saxan u heysano waxa dhacaya. Waxaan rajeyneynaa in aysan ahayn Ethiopia darteed ama dal-kale oo deris ah, haddii ay sidaas tahay, waxay noqon doontaa sharci darro ka dhan ah bani’aadanimada iyo nabadda adduunka.” Ayuu yiri.


Weli lama oga in ay Somaliland aqbashay soo jeedinta Masar, laakiin waxaa la sheegay in labada dhinac ay heshiis gaareen, isla markaana ay isdhaafsanayaan wakiillo heerkoodu sarreeyo Ergo ka socotay dowladda Ethiopia oo uu hoggaaminayay wasiirka maaliyadda Axmed Shide ayaa tagay magaalada Hargeysa, maalmo kadib booqashadii wafdiga Masaarida Laakiin Muft waxaa uu diiday wararka sheegaya in booqashada Ethiopia ay ku timid walaac ay ka qabto qorshaha Masar.



"Waxaa jira jadwal joogto ah oo u jeedkiisu yahay in looga wadahadlo xiriirka laba geesoodka ah ee dalalka u dhexeeya, waxna kama quseeyaan Masar wafdiga Ethiopia ee tagay Somaliland.” Isda uu egyahay muranku, Somaliland waxay u muuqataa in ay heleeyso faa’iidada ugu weyn, iyadoo kordhineeysa baadi goobkeeda aqoonsi caalami ah oo ay riixaysay muddo 30 sano ah.


Aqoonsi ay ka hesho Ethiopia iyo Masar oo ah cadowga ugu weyn ee qaaradda iyo qorshaha ay waddo Kenya waxay Somaliland u horseedi doonaan in boos adag ay doodooda uga helaan Midowga Afrika dhexdiisa.