Israa'iil oo duqayn ka fulisay saldhigyo ku yaalla gudaha Suuriya

0
Tuesday August 04, 2020 - 08:10:35 in by salman abdi
  • Visits: 528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israa'iil oo duqayn ka fulisay saldhigyo ku yaalla gudaha Suuriya

    Israa'iil oo duqayn ka fulisay saldhigyo ku yaalla gudaha Suuriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Israa'iil oo duqayn ka fulisay saldhigyo ku yaalla gudaha Suuriya

Diyaaradaha Israa'iil ayaa Isniintii duqeeyn ku bartilmaameedsaday saldhigyo Milatari oo ay leeyihiin ciidamada Suuriya.

Qoraal dhif iyo nadir ah oo ay soo saareen ciidamada Israa;iil ayay ku xaqiijiyeen duqeyntaasi ay ka fuliyeen gudaha Suuriya.

Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa qirtay in duqeyn dhanka cirka ah loo gaystay saldhigyo milatari oo ciidamada Suuriya ku leeyihiin meel u dhow caasimadda dalkaasi ee Dimishiq.

Duqeyntaas ayaa sida ay xukuumada Suuriya sheegtay gaysatay waxyeello aan ilaa iyo imika la xaqiijin inta ay gaarsiisantahay.

Ciidamada Difaaca Israail ee (IDF) ayaa sheegay inay tallaabada duqeyntani ay ahayd mid aargoosi ah.

Saraakiisha militariga Israa'il ayaa hore u sheegtay in ay dileen afar qof oo waxyaabaha qarxa ku samaynayay meel u dhaw buuraha Golan Heights galinkii dambe ee Axaddii aynu ka soo gudubnay.

Afhayeenka militariga Israail oo lagu magacaabo Korneel Jonathan Conricus ayaa sheegay in aan lagu degdegi karin in la yiraahdo raggaasi waxaa ay ka tirsanaayeen urur gaar ah, balse Israa'iil ay la xisaabtameyso xukuumada Suuriya.

Weerarka Isniintii ayaa lala beegsaday "xarumaha kormeerka iyo goobaha uruurinta xogta sirdoonka, xarumaha madaafiicda lidka diyaaradaha " ee saldhigyada ciidamada Suuriya ku leeyihiin ee Qunaitra, Ciidamada difaaca ayaa Israail ayaa sidaasi sheegay

Khariirad
Qoraalka sawirka,

Khariirad

Ciidamada IDF ee Israel ayaa lagu sheegay inay dowladda Suuriya mas'uul ka tahay waxa ka dhacaya ciideeda ayna sii wadayaan howlgalada looga hartago rabshad kasta oo ka dhan madaxbannaanidooda.

Wakaalad wararka rasmiga ee Suuriya ee lagu magacaabo Sana ayaa ku waramaysa in saraakiisha Suuriya ay sheegeen in ciidamadoodu diyaariyeen gentaalada difaaca cirka talaabadaas oo ay uga hortagayaan duqeymaha ka imanaya Israa'iil .

Dhanka kale, Hay'add u dooda xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday magaalada Boukamal, oo u dhow soohdinta Ciraaq ee waqooyi-bari, ay ku dhinteen 15 qof.

Xiisadda ka dhex aloosan Israa'iil iyo Suuriya,ayaa sii xoogeysanayay maalmahaan dambe gaar ahaanna xadka waqooyiga Israa'iil, kadib markii weerar cirka ah ay Israa'iil ku dishay gudaha Suuriya dagaalyahan ka tirsanaa ururka Xisbullah laba toddobaad ka hor.