Hay'adda WHO oo ka hadashay rejada laga qabo helidda talaalka Corona

0
Tuesday August 04, 2020 - 08:17:44 in by salman abdi
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda WHO oo ka hadashay rejada laga qabo helidda talaalka Corona

    Hay'adda WHO oo ka hadashay rejada laga qabo helidda talaalka Corona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda WHO oo ka hadashay rejada laga qabo helidda talaalka Corona

Madax hay'adda caafimaadka ee WHO ayaa sheegay in inkastoo ay jirto rajo ku saabsan in talaal loo helo feyriska Corona hadana laga yaabo in aanba la helin.

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay waxaa ku sheegay in "aysan jirin wax damaanad qaadaya waqti xadirka helidda talaal islamarkana xitaa laga yaabo in aan la helin".

Mr Tedros ayaa ku booriyay guud ahaan dadka ku nool caalamka in ay u hogaansamaan kala fogaanshiyaha, dhaqashada gacmaha iyo xirashada Maaskarada.

Guud ahaan caalamka, in ka badan 18 milyan oo qof ayuu ilaa iyo ku dhacay feyriska Covid-19.

Tirada dadka u dhintay feyriska ayaa ilaa iyo imika gaaraysa 689,000, sida ay sheegtay jaamacadda fadhigeedu yahay Mareykanka ee Johns Hopkins.

Agaasimaha guud ee hay'adda WHO oo ka hadlayay xarunta hay'adda ee Geneva, ayaa sheegay in shaqooyiinka talaalka ay meel wanaagsan marayaan.

"Tiro ah tijaabadda talaalka ayaa waxay marayaan wajigii saddexaad, waxaana rajaynayaa in ay jiri doonaan tiro talaalo ah oo gacan ka gaysan doona ka hortagidda feyriska, ayuu yuri Mr Tedros.

'sii wada naas nuujinta caruurta'

Mr Tedros ayaa sheegay in hooyooyiinka looga shakiyo cudurka amaba lagaa helay ay tahay in lagu dhiirigaliyo in ay sii wadaan naas nuujinta caruurtooda.

Waxaa uu intaa ku daray in faaida naas nuujinta, "ay aad uga miisaan badan tahay halista feyriska".