Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Kenya oo shil ku gashay magaalada Dhoobley

0
Tuesday August 04, 2020 - 09:32:01 in by salman abdi
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Kenya oo shil ku gashay magaalada Dhoobley

    Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Kenya oo shil ku gashay magaalada Dhoobley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Kenya oo shil ku gashay magaalada Dhoobley Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada milatariga Kenya ayaa ku dhacday garoonka diyaaraddaha ee magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose Soomaaliya.


Diyaaradaan oo sahay u siday ciidamada Kenya ee ku sugan saldhiga Dhoobley, ayaa la sheegay inay dhacday markii ay isku diyaarinaysay inay cagaha dhigato garoonka.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo ahaa duuliyihii diyaaradda ayaa ku geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay.

Ciidanka Kenya wali faahfaahin kama bixin dhacdadaan. weli Lama oga sababta keentay bururka diyaaradan.  

Soomaaliya shilalka diyaaradaha, ayaa noqday kuwo taxane ah muddooyinkii ugu dambeeyay