AFRICOM oo beenisay eedayn ku saabsan saddex carruur ah oo lagu dilay duqayn ka dhacday Jilib

0
Wednesday August 05, 2020 - 09:43:33 in by salman abdi
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AFRICOM oo beenisay eedayn ku saabsan saddex carruur ah oo lagu dilay duqayn ka dhacday Jilib

    AFRICOM oo beenisay eedayn ku saabsan saddex carruur ah oo lagu dilay duqayn ka dhacday Jilib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AFRICOM oo beenisay eedayn ku saabsan saddex carruur ah oo lagu dilay duqayn ka dhacday Jilib Taliska AFRICOM ayaa beeniyay warbixinada sheegaya in seddex carruur ah lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo koonfurta Soomaaliya lagula beegsaday xubno katirsan al-Shabaab, Arbacadii lasoo dhaafay.


Warbaahinta maxalliga ah ayaa warisay in Mareykanku duqeyn xagga cirka ah oo uu ka fuliyay meel u dhaw magaalada Jilib ee gobolka jubbada dhexe, 29kii July lagu dilay seddex caruur ah oo ku ciyaarayay meel u dhow xarun lagu bartilmaameedsaday weerarka.

Saddexda carruurta ah oo sawirrada maydadkooda kasoo muuqday baraha internetka, ayaa lagu kala magacaabaa, Abuukar Ahmad Mohamad oo 8-jir ah, Cabdisamad Hussein oo 12-jir ah iyo Cabdulaahi Mohamad, 13 jir.

Taliska Maraykanka waxa uu sheegay inuu soo gabagabeeyay qiimaynta weerarka, isagoo sheegay inuu dilay 1 xubin oo katirsan Alshabab laguna dhaawacay mid kale duqaynta dhacday 29-kii July.

Weerarka Jilib, ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa duqeynti 43-aad ee Mareykanka uu ka geysto Soomaaliya sannadkan, wuxuu yimid maalin un kadib markii AFRICOM ay siidaysay warbixinteedii saddex-biloodlaha ahayd ee ku saabsan dhibaatooyinka shacabka kasoo gaara duqeymaha.